Faysal Cali Waraabe: ‘Muuse wuxuu doonayaa xisbiyo yaryar oo bilaa sharciya inuu sameysto’

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xisbiyada mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargaysa ku dhaliilay hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ahaa maadaama oo ay isku afgaran waayeen habka dhisidda gudida doorashooyinka Somaliland.

Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo mucaaradku, uu baarlamanka u soo gudbin doono talo soo jeedin ah in la furo diiwaan gelinta ururo siyaasadeed oo cusub oo u tartama buuxinta shuruudaha xisbinimo.

Sida uu yahay dhaqanka hannaanka xisbiyada Somaliland tobankii sano ba mar ayaa la furaa diiwaangelinta xisbiyada cusub.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shirka Jaraa’id kaddib BBC u warramay ayaa yidhi, “Hadalka madaxweyne Muuse Biixi uu ku sheegay in xisbiyo cusub la furayo iyo arrimo la xidhiidha uu yahay mid sharciga ka hor imanayo go’aankaasina uu uga gol leeyahay xisbiyada horay u jiray ee labada ah uu meesha ka saaro uu sameyso xisbiyo yaryar oo bilaa sharci ah inuu sameysto.”

“Marka sharci buu isagu madaxweyne ku ahaa annaguna sharci baan ku ahayn xisbiyo siyaasadeed oo shahaada sidatee, hadduu sharciga jabiyo uu kaa keeno isna madaxweye ma noqonayo, marka ninkan dalka uma wado wanaag marka waanu ka hortageynaa waana ka badbaadineynaa dalka.” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabi.

Guddoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Waxaan arkeynaa madaxweynuhu inuu waddanka burbur uu ku wado, burburkaana waan ka hortageynaa markaan soo qaadanno waxyaabaha uu sameeyey laba sana iyo barka u joogay.”

“Talada dalka waa la wada leeyahay annaga ayaa u oggolaannay inuu madaxweyne yahay haddaanan aqbalin madaxweyne muu noqdeen, waa inuu dadku mideeyaa anaga nala fadhiistaa, reer Somaliland oo dhan dib u wada fadhiisannaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo shirka Jaraa’id kaddib BBC u warramay.

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.