Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis rasmi ah wadda saxeexday

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta magaaladda Hargeysa heshiis rasmi ah kuwadda saxeexday xukuumadda Somaliland iyo maamulka khaatumo. Heshiiskan oo ka koobnaa shan qodob.

Shirkan jaraa’id ee lagu shaacinaayey heshiiskan waxaa masuuliyiintii ka soo qayb-galay ka mid ahaa Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland, hogaamiyaha khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda iyo asxaabta qaranka ka tirsan.

Heshiiskan oo uu warbaahinta u akhriyey wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa nuxurkiisu u dhignaa sidan:

  1. Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa.
  2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.
  3. In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
  4. In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
  5. In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.

Heshiiskan waxaa qalinka si rasmi ah ugu wadda duugay, wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Gudoomiyaha Weftiga Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ahna gudoomiyaha maamulka khaatumo ee Baarlamaanka.

Halkan ka daawo warka heshiiskan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.