Weftigii Ugu Balaadhnaa oo Gaadhay Koonfurta Sool & Luuqad adag oo ay Kula Hadleen Dirir u dhaxaysay Laba Beelood

Laascaanood – (warsoor) – Waftigan oo saaka ka amba baxay xarunta gobalka sool ee laascaanod  ayaa socod ku maray deegaanada kala aha kalabaydh, dharkayn geeyo, dhumay, dabo taag, iyo deegaano kale oo ka tirsan koofurta gobolkaasi oo ah meelihii ay dhibaatadu ku dhexmartay labada beelood ee walalaha ah.

Waftigan oo ay xubno ka yihiin wasiirada wgasaaradaha madaxtooyada, arrimaha gudaha, gaashaandhiga, caafimaadka, waxbarashada, wasiir dawlaha beeraha , taliyaha guud ee ciidanka qaranka, gudoomiyaha hay,da shaqaalaha, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye, maamulka gobolka sool iyo ka degmada laascaanood ayaa waxay la hadleen waxgaradii iyo dadwaynihii ku sugnaa deegaanad ay mareen.

Wasiirka madaxtooyada JSL oo ka hadlaayey goob kamid ah meelaha ay dadka kula kulmeen wax uu sheegay in xukumadu waxba kala hadhayn hawlaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta ee mushkilada ku soo noqnoqotay deegaanka.

Wasiirka madaxtooyadu waxa uu sheegay in hada ka bacdi loo dulqaadan doonin dad rayid aha oo hubka wax dili kara sita , waxa uuna u mahad celiyey wasiirku ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Somaliland kaalinta ay ka qaateen hawshaasi.

Halkan ka daawo warankan:

https://www.youtube.com/watch?v=OH53VzpUGqY&feature=youtu.be

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.