Weeraryahanka Arsenal ee Danny Welbeck oo sagaal bilood ka Maqnaan Doona Ciyaaraha

Ciyaaraha – (warsoor) – Weeraryanka xulka dalka Ingiriiska iyo kooxda Arseanal ayaa garoomadda ciyaaraha ka maqnaan doono muddo sagaal bilood ah ka dib markii uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka.

welbeckCiyaarahankan 25 jirka ah ee Welbeck ayaa ka dhaawacmay jilibka midig xili ay Axaddii ciyaar barbardhac ku oo dhamaatay ay wadda layaaheen kooxda Manchester City, oo ka tirsan tartanka xagaaga ee Yurub 2016.

War ka soo baxay kooxda Arsenal oo muuinaya baadhitaanadii la qaaday ciyaaryahanka ayaa lagu yidhi, “Dhaawac weyn ayaa soo gaadhay  muruqa jilibka”, waxay intaasi ku dareen in aanu dhaawiciisu umuuqan mid qaadan karaa ilaa todobada bilood.

Ciyaarahanka Welbeck ayaa qoraa uu soo dhigay baraha bulshaddu ku wadda xidhiidho ayuu ku yihid, “Anigoo xoog-badan Ayaan soo noqon doonaa”.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger oo isna dhinaciisa ka hadlay dhaawacan soo gaadhay ciyaaryahankan ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay dhaawaca soo gaadhay weerar yahan Arsenaal ciyaartii dhacday maalinimadii Arbacadda.

Ciyaaryahanka Welbec waxaa noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu goolasha badnaa tartanka Yurub waxaan shan tartan ka dhaliyey lix gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.