Ciraaq – (warsoor) – Ugu yaraan 93 qof ayaa ku dhintay saddex weerar oo loo adeegsaday gawaadhi aaladaha qarxa laga soo buuxiyey. Qaraxyaddan ayaa ka dhacay caasimadda ciraaq ee Baqdaad.
Weerarkan ismiidaaminta ah waxaa ku dhintay 84 qof waxaana ku dhaawacmay 87 qof kuwaasi oo intooda badani ay ahaayeen Shiico. Weerarkan ayaa ka dhacay magaaladda Sadra.
Laba weerar oo kale ayaa lagu bartilmaameedsaday kaantarool ciidamada boolisku leeyihiin oo ku yaala waxaana ku dhintay weerarkaasi kale 29 qof oo kale.
Kooxda sheegata dawladda Islaamiga ah ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan dambe ee dhacay. Weerarkan maanta ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee ka dhaca caasimadda Ciraaq ee baqdaad tan iyo markii dalkaasi uu ka bilaabmeen rabshaduhu.
Kooxda Suniyiinta Jihaad-doonka ah kuwaasi oo maamula dhul weyn oo ku yaala Galeebdka iyo waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya ayaa si joogto ah ugu dirta biilka xaafadda.