Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ee Somaliland Ayaa Furay Kulan Ku Saabsan Qiimayanta Waaxaha Dakhliga Ee Lixda Bilood Ee U Horeeya Ee Sannadkan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa furay kulan ku saabsan qiimayanta waaxaha dakhliga ee lixda bilood ee u horeeya sannadkan 2021-ka.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha Waaxaha maamulayaasha Cashuuraha Berriga iyo maamulayaasha Kastamyada ee gobolada ayaa u jeedadiisu ahayd sidii loo qiimayan lahaa in Dakhliga waaxyahaasi ay gaadheen qorshaha ku tala galka ee odoroska miisaaniyadda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyada ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay miisaaniyada sanadkan laga doonaayo in ay soo xarayso wasaaradda horumarinta maaliyadda ee Somaliland, waxaanu sheegay in lixdii bilood ee u horeeyay sanadkan ay gaadheen intii miisaaniyada u qorshaysnayad in ay soo xareeyaan walibana dheeraad ku dareen.

Waxa iyaguna geestooda halkaasi ka hadlay agaasimayaasha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha, Kastamada iyo Cashuuraha bariga iyaga oo u mahadnaqay hawl-wadeenada shaqaalaha ah ee ka qayb qaatay soo ururinta dakhliga Miisaaniyadda.

Muuse Ibraahin Yuusuf Wasiir ku xigenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo Agaasimaha guud ee wasaradasi Maxamed Cabdi Gurxan, oo madashaasi ka hadlay waxa ay sheegeen in kulankani yahay mid lagu qiimaynaayo laguna eegaayo dakhliga cashuuraha ee ka soo xarooday ku talagalkii miisaaniyadda ee Sanadkan iyagoo u mahadnaqay Agaasimayaasha waaxaha dakhliga iyo hawlwadeenada ka qayb qaatay soo xaraynta dakhliga miisaaniyadda lixda bilood ee u horeeya sanadkan.