Wasiirka Horumarinta Biyaha oo Kulan la qaatay Maamulka Wakaallada Biyaha Berbera

BERBERA – (WARSOOR) – Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Saaxil ee Magaaladda Berbera.

Wasiirka Khayraadka Biyuhu Wuxuu soo kormeeray Xarunta Wakaaladda Biyaha Ee Berbera.

Waxaana Halkaasi Ku Soo dhaweeyay Maareyaha Wakaaladda Biyaha Ee Berbera Iyo Shaqaalaha Wakaaladdaasi.

Intaas kadib Wasiirka ayaa Xarunta Wakaaladda biyaha ee Berbera Shir kula qaatay Madaxda Wakaaladdaas, Iyadoo laga wada hadlay dardargelinta hawlaha biyo balaadhinta ee magaalada Berbera.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Berbera Saleebaan C/raxmaan ayaa wasiirka warbixin ka siiyay sida ay shaqada wakaaladu u socoto Wakhti- Xaadirkan, Maareeyuhu wuxuu sheegay inay u qorshaysan tahay sidii ay biyaha u gaadhsiin lahaayeen Dekedda Cusub ee dhawaan xadhiga laga jaray , Waxaanu intaas ku daray in Maadaama Magaaladda Berbera ay xiligan ku jirto Xagaa ay Wakaalad ahaan xooga saarayaan Sidii Biyuhu aanay Bulshada uga go’i lahayn.

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo gabo gabadii Kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in Mashruuca biyo balaadhinta berbera la kordhinayo Sababo jira awgood kana mid tahay Horumarka kala duwan ee ka socda Magaalo xeebeedka Berbera iyo sidii biyaha loo gaadhsiin lahaa Dekeda Cusub ee Berbera.