Tababare Renard “Qofna ma fileyn in Sacuudigu ciyaari karo kubbad heerkeedu sidan u sarreeyo”

Tababaraha xulka Saudi Arabia Herve Renard ayaa sheegay in aysan jirin qof adduunka ku nool oo ku fikiray in kooxdiisu ay qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigi doonto, inkastoo ay guuldarro 2-0 ah kasoo gaartay kulankii Poland ciyaar ka tirsaneyd Koobka Adduunka ee Group C Sabtidii.

Kadib guul dirqi ah oo ay 2-1 kaga badiyeen xulka Argentina ciyaartii ugu horeysay, Sacuudi Carabiya ayaa qaab ka duwan qaab ciyaareedkiisa la ciyaaray Poland, waxaana ay la wareegeen kubada. Laakiin dhamaadkii qeybtii danbe waxaa goolal u dhaliyay Poland Piotr Zielinski iyo Robert Lewandowski.

“Qofna aduunka oo dhan kuma fikirin inaan u ciyaari karno heerkan oo kale. Haa inteenna Saudi Arabia joogta si fiican ayaan u naqaan ciyaartoyda, laakiin maaha kuwo ay garanayaan taageerayaasha adduunka,” ayuu Renard ku sheegay shir jaraa’id.

“Weli waan noolahay, waan ku faanayaa ciyaartoydeyda, waxay ahayd inaan si fiican u maamulno ciyaarta, hadii aan dhalin laheyd rigooraha, qeybta hore waxay ku dhammaan laheyd barbardhac 1-1 ah, kadibna ciyaarta ayaa si ka duwan u dhici laheyd. ” ayuu raaciyay.

Renard waxa uu sharaxay in nasiib xumo aysan wax lug ah ku lahayn guuldaradii kasoo gaartay kulankii ka dhacay garoonka Magaalada Waxbarashada, laakiin taa bedelkeeda ay guuldarradani u soo gaartay waxtar la’aan.

“Waxaan sameynay khaladaad dhinaca kubbad dhiibista ah, mana ayynaan u ciyaarin si dhab ah, laakiin ma quusan doono”. ayuu raaciyay tababare Renard.

Tababarahan 54 jirka ah ayaa sheegay in kooxdiisu ay ciyaarta Mexico u ciyaari doonto qaab ciyaareed leh rabintaan guuleysi, kaas oo la mid ah sidii ay ula ciyaartay Poland.