Shirkadda Telesom oo Markii Lixaad Maalgalisay Mashruuca Caruurta La Nool Cudurka Macaanka

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa deeq lacageed oo dhan $10,000 ugu deeqday cusbitaalka Global polyclinic oo adeegyo caafimaad oo bilaasha ah siiyey caruurta la nool cudurka macaanka.

Deeqdan lacageed ayaa noqonaysa deeqdii lixaad ee shirkadda Telesom ku bixisay mashruucan loogu gargaarayo caruurta danyarta ah ee la nool cudurka macaanka. In ka badan 150 Caruura ayaa lagu siiyaa adeegyo caafimaad oo bilaasha ah oo iskugu jira dawooyinka macaanka, qalabka lagu baadho macaanka, shaybaadho caafimaad oo joogto ah, talooyin iyo tababaro la siiyo caruurta macaanka qaba iyo waalidkooda ama cidda ka masuul ah. Mashruucan ayaa soconaya sanadkiisii saddexaad waxay shirkaddu sanad walba ku bixisaa lacag dhan $20,000.

Mashruucan ayaa keenay midho dhal la taabo karo waxaanu caruur badan oo ay halis gali jirtay nolashoodu ay ka heleen adeegyo noloshooda wax badan ka badalay kana dhigay kuwo u nool sida caruurta facooda ah ee caafimaadka qaba.

IMG_1241

Munaasibadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday xarunta cusbitaalka Global Polyclinic ee magaaladda Hargeysa oo ay ka qayb-galeen masuuliyiinta shirkadda Telesom iyo Agaasimaha Global polyclinic waxaa ugu horayn ka hadlay maamulaha Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo, waxaanu yidhi, “Mashruucan macaanka oo ah mashruuc in muddo ah soo socday ayna iska kaashadeen shirkaddda Telesom iyo cusbitaalka Global polyclinic. Waxaanu maanta halkan u joognaa in aanu wareejino qaybtii labaad ee sanadkii 3-aad. Mashruucan oo ah mashruuc lagu kaalmeeyo caruurta danyarta ah ee la nool macaanka oo ku baahsan goboladda dalka ”.

Maxamed Darbo ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay ka go’an tahay in bulshadeeda wax la qabato waxaanu sheegay in shirkadda ay sanadkan ku bixisay mashruucan caruurta la nool cudurka macaanka $20,000, lacagtaasi oo ay shirkaddu kala bixisay bishii January iyo bishan July 2016.

Agaasimaha cusbitaalka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Axmed Yuusuf Adax ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay taageeradda joogtadda ah ee ay siiso cusbitaalka Global, waxaan Dakhtarku sharaxaad ka bixiyey dhibaatadda cudurka macaanka iyo adeegyadda ay u fidiyaan dadkaasi.

Dr. Cabdirisaaq ayaa u mahadnaqay shirkadda Telesom waxaanu yidhi, “Ilaahay baa mahad leh, waxaan kaloon u mahadnaqayaa shirkadda Telesom oo qayb wayn ka qaadata arimaha bulshadda. Waxaa farxad weyn noo ah in ka badan 150 ciyaala in aanu gacanta ku hayno oo ah caruur macaan qabta”.

Dr. Cabdirisaaq ayaa si aad ah ugu nuuxnuuxsaday dhibaatooyinka haysta waalidiinta dhalay caruurta la nool cudur macaanka, dhibaatooyinkaas oo ay ka mid tahay aqoon la’aanta, dhaqaalo xumo, qoysaska qaar oo dhawr caruur ahi ka qabaan cudurka macaanka, kuwaasi oo uu sheegay in ay dhici karto inay reer miiyi yihiin aan awoodin inay caruurtooda u raadiyaan gargaar caafimaad.

Shirkadda Telesom ayaa mashruucan caruurta danyarta ah ee la nool cudurka macaanka waxay bilowday 2013, ka dib markii dhakhtar Cabdirisaaq uu u soo bandhigay daraasad iyo xog uu ka soo uruuriyey dhibaatadda uu cudurka macaanku ku hayo bulshadda danyarta ah. Shirkadda Telesom ayaa go’aansadatay inay sanadkasta ku bixiso lacag dhan $20,000 si wax loogu qabto caruurta la nool cudurka macaanka ee danyarta ah ee aan lahayn awood dhaqaale oo ay daawooyin iyo qalabka caafimaadka ee macaanka u iibiyaan caruurtooda.

IMG_1236 IMG_1243

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.