Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo daah furay VISA Card cusub

KISMAANYO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah furay VISA Card cusub oo soo kordhiyay bangiga IBS, kaas oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarka ganacsi ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku qotoma hal abuur ganacsi oo lagu saleynayo baahiyaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.