Qarax dad Shacab ah ay ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Degmada Xamar weyne ee G/banaadir

Muqdisho – (warsoor)  – Todobo Qof ayaa ku dhimatay Lix qofna way ku dhaawacmeen Qarax galabta ka dhacay Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maqaaxi  aan  sidaasi uga fogeyn Beerta nabadda oo  la yiraahdo Isa-saar.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 7 qof 6 kalana ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay goobta gaareen qaraxa markii uu dhacay kadib, si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.

The wreckage of a destroyed van is seen at the scene of a car explosion in Hamarweyne district of Mogadishu, Somalia, September 28, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii  Qaraxaasi dhibka uu kasoo gaaray  ay ahaayeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu tilmaamay in Argagixisada ay diidan yihiin Horumarka ay hiigsaneyso Caasimada iyo Nabadda Shacabka Soomaaliyeed ay darreemayaan, gaarigii qaraxa loo addeegsaday ayuu Afhayeenka  ku sheegay in uu ahaa Nuuca loo yaqaano Premio.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, Intaas kaddibna gaadiidka Nadaafadda gobolka Benaadir ayaa goobta soo gaaray, kuwaasi oo waddada ka bilaabay howlo nadaafadeed.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.