Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta magaaladda Hargeysa aas qaran loogu sàmeeyey Marxuun Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka mid ahaa xildhibaanada Golaha wakiiladda Somaliland.
Marxuunka ayaaoo salaadii Jiinaasada loogu sameeyey masaajidka Tabliiqiyiinta ee magaalada Hargeysa. Marxuunka waxaa aaskiisa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxda qaranka Somaliland iyo dadweyne kale oo tiro badan.