NISA oo dad u soo qabatay weeraro maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Koox hubeysay ayaa Abaaro 11:00-kii barqanimo oo ay wehliso qadar daqiiqado ah Isgooyska Ceelgaab ee degmada XamarJabjab Rasaas hugiyay Gaari uu la socday taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA Gen. Xasan Dheere Halkaas oo uu dhaawac fudud taliyaha ka soo gaaray.

Shilkaasi kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada Ammaanka, iyagoo dadkii ku sugnaa goobta ka helay Macluumaadka Gaariga Falka geystay, waxaana markiiba Amar lagu bixiyay in la xirro waddooyinka Waaweyn ee magaalada si looga dabatago gaariga baxsaday.

Intii howlgalka lagu gudajiray ayaa waxaa dhacay weerar labaad oo lagu dilay Afhayeenkii Hore ee Maamulkii Ximan Iyo Xeeb.

Ciidamada oo heegan hore loo siigalayay ayaa durbadiiba Baacsaday gaariga Falkaasi Geystay, waxaana Kooxdii wadatay gaarigaasi ay iska Caabin kala horyimaadeen Ciidamada NISA oo heystay Macluumaadka Gaariga Wax Dilay.

Gaariga ay Wateen Maleeshiyaadka Dilalka Geystay oo noociisu ahaa NOHA ayaa Ciidamadu ugu dambeyn kaga Daba Tageen Tookiyada Xaafadda Siisii ee Degmada Yaaqshiid, waxaana Markii Tookiyada la isla Galay Kaagriga Kabooday Darawalkii Oo Diiday in uu Isdhiibo.

Dhagarqabaha Waday gaariga ayaa Galay Mid kamid ah Guryaha ku yaallay Xaafadda, isagoo isaga dhex dusay ku dhawaad shan guri halkaas oo uu ugu dambeyn ku baxsaday, iyagoo sidoo kalana la qabtay nin kale oo la socday darawlka Baxsaday.

Ciidamada ayaa Billaabay Baaritaano dheeraad ah waxayna qabteen Milkiilihii lahaa gaariga iyo ruux kale oo dumar ah kuwaas oo hadda baaritaano ay ku socdaan.

Sidoo kale inta lagu gudajiray howlgalka ayaa Ciidamadu soo saareen Godad iyo Xaafado isku Furfuran oo loogu talagalay in kooxaha Falalka Qorsheysan ka geysta magaalada Muqdisho ay isaga kala Gudbaan.

 Barqanimadi maanta Haya’adda Nisa ayaa howl-gal ay ka sameyeen xaafado ka tirsan degmooyinka kaaran iyo yaaqshiid ayaa gacanta kuso dhigey gaarigan oo noociisu yahey Nooha oo la tuhunsanyahey in lagu fuliyey weeraradi aanta Muqdisho ka dhacey ee midna lagu dhaawacey taliye ku xigeenki hore ee hayada sirdoonka qaranka Xasan Dheere midna lagu diley afhayenki hore ee maamulkii ximin iyo xeeb Maxamed Cumar hagafey sidoo kale hada kamid ahaa maamulka Tv-ga Kalsan.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.