Khilaaf soo kala dhax galay sariflayaasha Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Khilaaf xoogan oo laba garab u kala qaybiyey sariflayaasha suuqa magaaladda Hargeysa ayaa ka dhex bilaabmay xubno kala taageersan laba musharax oo kala doonay in loo cumaamado hogaanka sariflayaasha.

Khilaafkan soo kala dhax galay sariflayaasha suuqa Hargeysa ayaa ka dhashay doorasho uu garab gaar ahi ku dhawaaqay inay guddoomiye u doorteen Awliyo Maxamed Xasan. Halkan garabka kalena ay taabacsan yihiin nin lagu macaabo Ibrahim.

Garabka Ibraahim ayaa sheeganaya inay iyagu haystaan aqlabiyadda xubnaha sariflayaasha suuqa Hargeysa, waxaanay taasi keentay inay qaadacaan dhinaca kale hogaanka ay doorteen.

Xukuumadda Somaliland ayaa soo faro-galisay khilaafkan soo kala dhex galay Sariflayaasha suuqa Hargeysa.

Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdilaahi ayaa laba garab si gooni gooni ah ula kulmay, waxaanu ku anciyey inay isugu yimaad shirweyne ay ku dooranayaa hogaanka cusub ee sariflayaasha si loo soo afjaro murankan soo kala dhax-galay.

Allaha ha u naxariistee markii uu dhawaan geeriyooday gudoomiyihii Sariflayaasha Somaliland, waxaan si ku meel gaadh ah hogaanka sariflayaasha u sii haya ilaa labada gudoomiye ku-xigeenka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.