Milatariga Masar Oo Helay Burburka Diyaaraddii EgyptAir

Masar – (warsoor) – Ciidamada Milatariga Masaarida ayaa helay qaar ka mid ah alaabtii ay lahaayeen dadkii saarnaa diyaaradii EgyptAir ee ku dul burburtay badda Mediterranean maalinimadii Khamiisa. Ciidamada ayaa qaxiijiyey inay diyaaradan burburtay.

Sida ay sheegeen ciidamada Badda ee Masaar, waxay qaybo ka mid ah burburkii diyaaradda laga helay meel 290km u jirta xeebta Alexandraia ee dalka Masar, halkaasi oo ay ciidamadda baddi ay ka wadaan baadhitaano lagu raad guraayo saduuqii madoobaa ee diyaaradda.

diyaarada_masar

Madaxweynaha Masar Cabdi-fataax Al-sisi ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay diyaaradaasi iyo dadweynaha ee Masar ka dib markii la xaqiijiyey inay dadkaasi ku dhinteen shilkaa diyaaradda.

Dadka qaar ayaa ku eedeeyey burburka diyaaraddan kooxda Dawladda Islaamiga ah kuwaasi oo dhawr bilood ka hor qarxiyey diyaarad Maraysay Masar.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda burburka diyaaraddan EgyptAir A340 taasi oo ka soo kacday magaaladda Paris uga Jeeday magaaladda Qaahira waxaanay siday raabka 66 qof ah iyo shaqaalihii diyaaradaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.