Masar oo Maxkamad Hor gaysay Boqolaal Dibad-baxayaal oo Mudahaar Kala horyimdi Maamulka Sisi

Masar – (warsoor) – Dawladda Masar ayaa maxkamad hor keentay  237 qof oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqal Insaanka kuwaasi oo mudaharaad kala hor yimid maamulka madaxweyne Cabdifataax Al-sis.  Kiisan ayaa noqonaya kii kowaad ee bisha April la horkeeny maxkamadda.

Tan iyo markii 2014 uu xukunka la wareegay taliyihii hore ee ciidamada Masar waxaa bishii April 15, 2016 mudaharaad soo abaabulay kumanaan Masaari ah oo ka cadhaysay go’aan ay dawladda Masar qaaday oo ay laba Jasiiradood ku wareejisay dawladda Boqortooyadda Sacuudiga. Ciidamada Amaanka Masar ayaa kala diray mudaharaad kale oo arintan lagaga cabanaayey.

Egyptian-trail

Sida ay todobaadkan sheegtay Hayadda Xuquuqal Insaanka ee Masar, ciidamada amaanka dalkaasi waxay xidheen ugu yaraan 382 qof.

Afar Maxkamadood oo ku yaala magaalooyinka Qaahira iyo Gisa ayaa la horkeenay 237 qof kuwaasi oo lagu eedeeyey inay mudaharaad dhigeen iyagoon wax ogolaansho ah u haysanin.  Maxkamadaha ayaa intaasi ka dib la xidhay fadhigi dhagaysiga dacwadda.

Dadkan la soo qabqabtay ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqal Insaanka ayaa la filayaa in lagu xukumo xadhig u dhexeeya ilaa saddex sanno.

Dawladda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Sisi ayaa cambaarayn kala kulantay jasiiraddaha aan la dagin ee Tiran iyo Sanafir ee ku yaala badda cas inay ku darto biyaha Sucuudi Carabiya.

Saraakiil u hadlay Sucuudiga iyo Masar ayaa sheegay in Jasiiradahani ay ka tirsanaayeen Boqortooyadda Sucuudiga, waxaan sanaddii 1950 Sucuudigu ka codsaday Masar inay Ilaaliso jasiiradahaas.

Dhanka kale ma jirto wax khatar degdega oo muuqata oo ku soo wajahan dawladda uu hogaamiyo madaxweyne Masar ee Cabdicasiis Sisi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.