Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhigay Dib Ugu Dhis Lagu Samaynaayo Waddadda Isku Xidha Xamaas iyo Berbera

Hargeysa –(warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo wefti wasiiro iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iskugu jiray hogaaminaayey ayaa gaadhay magaaladda Xamaas halkaasi oo laga bilaabay mashruuc lagu dhisaayo isla maanta waddada isku xidha Xamaas iyo Berbera.

Xafladda dhagax-dhiga waddadan oo ka dhacday magaaladda Hamaas ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Somaliland, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Mareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayarka Berbera iyo masuuliyiin kale.

madaxweynaha_somaliland

Masuuliyiintan ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhismaha wadooyinka dalka waxaanay si qoto-dheer uga hadlay horumarka ay xukuummadu ka samaysay dhinaca wadooyinka iyo guud ahaan mashaariicda ay xukuumaddu ka hirgalisay dalka.

“Farax weyn bay ii tahay maanta inaan ka soo qayb-galo dhagax dhiga mashruuca dayactirka mashruuca waddada Hamaas iyo Hargeysa. Wadadaasi waa waddo aad iyo aad muhiim u ah, isgaadhsiinta qaranku waa waxyaalaha ugu muhiimsan ee dalku u baahan yahay”, sidaasi waxaa yidhi madaxwyenaha Somaliland.

Mashruucan waxaa lagu dhayac tiri doonaa 33km oo qayb ka ah qaybo hore oo hore loo dayac tiray. Sida uu sheegay wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.