Ciyaar Yahanka Jeremy Helan oo Go’aansaday Inuu Ka Fadhiisto Ciyaaraha Si uu Diinta Islaamka Ugu Dabaqo

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Wolves Jeremy Helan ayaa ka fariisanaya kubada cagta isagoo 24 jir ah si uu u noqdo qof u go’ay diinta Islaamka.

24 jirkaan oo amaah kaga soo maqnaa Sheffield Wednesday ayaa u ciyaaray xilli ciyaareedkii hore kooxda Wolves.

jeremy-helan-wolves

Jariirada Sheffield Star ayaa ku warameysa in Helan oo ah ciyaaryahan Muslim ah inuu in muddo ah ka fiirsanayay inuu ciyaaraha ka fariisto.

Warbixinta jariirada ayaa intaas ku dartay: “Bixitaankiisa waxaa la filayaa inay xilli dhow xaqiijiso kooxda heerka labaad ee Ingariiska.

“Qandaraaska Helan waxa uu dhici lahaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.”

24 jirkaan oo ka ciyaari kara garab weerar ama daafac bidix ayaaa sideed kulan u ciyaaray Wolves ka hor inta aysan soo ceshanin Sheiffed Wednesday. Waxaana maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkii hore uu ka horyimid kooxdii uu amaahda ku joogay ee Wolves kuwaasoo 2-1 ku badiyay.

Helan ayaa sidoo kale ciyaaray kulamadii kala baxa ee loogu dalacayay horyaalka Premier League isagoo kursiga keydka ka soo kacay kulankii Wembley ee ay Sheiffeld Wednesday guuldarada 1-0 ka soo gaartay Hull City.

Waxa uu saftay kaliya hal kulan ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan oo koobka League Cup ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.