Afhayeenkii ciidanka Booliska Ugandha oo saaka toogasho lagu dilay

Ugaandha-( warsoor)-Afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Ugandha Andrew Felix Kaweesi ayaa saaka lagu dilay magaalada Kambala ee caasimada dalkaas ee ugaandha .

Andrew Felix Kaweesi ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii gaadhii uu la socday lagu furay rasaas arxan la’aan ah.

Kooxaha weerarka geystay ayaa baxsaday, waxaana la dhintay afhayeenka darawalkiisa iyo dad kale oo la saarnaa gaarigiisa sida wararku sheegayaan.

Ciidamada amaanka wadankaas ayaa goobta xidhay, iyadoo dowlada wadanka Ugandha ay sheegtay in la baadhayo weerarkan oo saaka si

weyn looga hadal hayo guud ahaan wadankaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.