Siyaasiyiin Miisan Culus iyo Madax Dhaqameedka Subeer Awal oo Kulan Kula Yeeshay Burco Dhigooda Bariga

Burco – (warsoor) – Siyaasiyiin miisaan culus iyo madaxda dhaqanka beelaha Subeer Awal ayaa hadhimo sharafeed u sameeyay in kabadan 100-xubnood oo ka soo jeeda beelaha bariga Burco, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo waxgarad.

Martiqaadka oo ka yimi dhinaca beesha Subeer Awal waxay dulucdiisu daaranayd ergo ay ugu yimadeen beesha bariga Burco, iyagoo u cadeeyay in aanay cidna u xidhnayn isla markaana shacbiga degaanadaasi ay codkooda xor u yihiin, una codeeyaan cidii ay u arkaan inay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dan u tahay, isla markaana aanay jirin wax laga faa’iidaayo in laba qabiil iyo hanaan qabyaladaysan lagu saleeyo doorashada, taasna ay ergo iyagu u yihiin una arkeen danta Somaliland inay sidaa ku jirto.

Waxaana madaxdii dhaqanka ee hadhimo sharafeedkaas ka hadlay kamid aha cuqaal tiro badan, ugaasyo iyo Saladiin ka soo jeeda degaanada Saaxiil, Togdheer, Hargaysa iyo Gabilay. Kuwaas oo dhammaantood ugu baaqay waxgaradka beelaha bariga Burco inay fasax u yihiin codkooda, hanaanka dimuquraadiyada Somaliland qaadatayna uu dhigaayo in aan qabyaalad wax lagu dooran, qof kastana u codeeyo cidii uu dan moodo.

Geesta kale waxa iyaguna madashaas ka hadlay Boqoro, cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda degaanada bariga Burco, kuwaas oo ka aqbalay dalabka uga yimi Madaxda Subeer Awal, waxayna uga mahadceliyeen martiqaadka iyo baaqa ay soo gaadhsiyeen ee ah inay fasaxan yihiin, sidoo kale waxay cadeyeen inay wixii qaranka Somaliland ku midoobaayo ay ku codayn doonaan. Kulankaas ayaa ku soo dhammaaday jawi is faham oo dhexmaray labadii dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.