Siyaasi Cabdiraxmaan Sheekh oo Ka Mid Ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Waddani Oo Dhowaan Iska Casilay Ayaa Si Balaadhan Loogu Soo Dhoweeyey Hargaysa

Hargaysa – (warsoor) – Siyaasi cabdiraxmaan Sheekh Muxumud oo ka mid Ahaa Aasaasayaashii Sarsare ee Xisbiga Waddani isla Markaana xilal kala Duwan kasoo Qabtay Xisbigaasi Kuwaasi oo Ay Ugu Muhiimsanaayeen Xidhiidhiyaha Qaaradaha Yurub ee Xisbiga Waddani Iyo Xidhiidhiyaha Woqooyiga Ameerika Isla Markaana Dhowaan ku Dhawaaqay Inuu Xisbigaasi Iskaga Tegay Isagoo ahaa Waqtigaasi Xoghayaha Waaxda Samafalka Iyo daryeelka Naafada ee Xisbigaasi Ayaa kasoo Degay Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Siyaasigan oo Miisaan Culus Ku Lahaa Xisbiga Waddani Waxaa Madaarka magaalada Hargaysa Si balaadhan Ugu Qaabilay taageerayaashiisa, Siyaasiyiin Kala Duwan, Haween, Dhalinyaro, Aqoonyahan Iyo Dadweyne Aad u Tira Badan Kuwaasi oo u Heelanaa Kasoo Digarogashadiisa Xisbiga Waddani Walow Aanu Ilaa Iminka Siyaasigani Shaacin Xisbiga uu u diga Rogan Doono.

Siyaasi Cabdiraxmaan Sheekh ayaa ka dib soo dhoweynta loo sameeyey waxaa uu markii danbe u mahadceliyay dhamaanba xubnaha kala duwan ee sida balaadhan ugu Soo dhoweeyey madaarka Hargaysa Isagoo Farta ku fiiqay Inay Tani Ka mid Tahay Wanaaga Bulsho Is Jecel oo ISku Soo Hiloowday Maadaama uu In Badan Dalka ka Maqnaa kuna Sugnaa Wadamada Qurbaha Waxaana uu yidhi ISagoo la Hadlaya Shacabka Soo dhoweeyey

“Aad iyo aad baan idiinka Mahad celinayaa sida balaadhan ee gacaltooyada leh isla markaana walaaltinimadu ku dheehan tahay ee aad iigu soo dhoweyseen magaalada Hargaysa, waxaad la socotaan inaan iska casilay dhamaanba xilalkii aan ka hayay Xisbigii Waddani oo aan Ka mid ahaa ragii dhidibada u taagay,waxaanan igu Kaliifay inaan ka Baxo Xisbigaasi markii aan arkay yoolka xisbiga oo madmadoow badani ku Jiro, walaalayaal waxaan jecelahay inaan xasuusiyo taageerayaashayda xisbiga aan u Digo rogan Doono oo aan Gadaal idiinka Soo Sheegi doono, aad baanad u mahadsan tihiin Markale”ayuu yidhi siyaasi Cabdiraxmaan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee Xisbiga Waddani ayaa u muuqda mid ay dhamaanba Taageerayaashiisu hal hal u soo haabanayaan mudooyinkii u danbeeyey taasi oo ay Siyaasiyiinta Kasoo Diga rogtaa ku Sababaynayaan Madmadoow Badan oo Ka Muuqda Hogaanka Iyo hiigsiga Taageerayaasha Xisbigaasi Ku leeyahay Dalka iyo Dibada oo Marin haboowsan Lamana Garan Doono In Xisbigani Tusbax Furan Noqon doono iyo In Dib wax la isku Kabkabi Doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.