Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland oo Lagaga Hadlay Xaaladda Abaarta Dalka Ka jirta

Hargeysa – (warsoor) – Fadhiigii khamiista ee Golaha wasiiradda oo uu shir gudoominaayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa khamiistan lagaga hadlay xaaladda abaarta ee dalka ka jirta iyo gurmadkii laga gaystay tan iyo intii ay xukuumaddu ku dhawaaqday gurmadka.

Fadhigan Golaha wasiiradda oo ay warbaahintu dibadda ka joogtay waxaa markii uu soo dhamaaday la hadlay warbaahinta afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr) waxaanu si kooban u sheegay qodobadii ugu muhiimsanaa ee fadhiga khamiista lagaga hadlay.

madaxweyne-siilaanyo

“Guud ahaanba shirkii golaha wasiiradda ee maanta (khamiis) waxaa uu madaxweynuhu uu warbixin ka dhagaystay la xidhiidha abaaraha xubnihii golaha wasiiradda ahaa ee la socday oo uu ka mid ahaa: Wasiirka madaxtooyadda, wasiirka maaliyadda, iyo wasiirka xanaanadda Xoolaha. Waxa ay si qoto dheer uga warameen ujeedada uu safarku daaran yahay taasi oo ahayd inuu madaxweynuhu indhihiisa ku soo arko saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen afarta gobol ee dalka, baahiyaha jira iyo sidii wax looga qaban lahaa”, sidaasi waxaa yidhi Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Xuseen Dary.

Afhayeenka ayaa sheegay qodobadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay kulankii golaha wasiiradda ee maanta (khamiis) inuu ahaa baahidda ugu weyn ee ay dadku qabaan inay tahay biyaha, baadkii oo xoolihii ku gabaabsi ah iyo  guud ahaanba sidii loo badbaadin lahaa dadka.

xuseen-dayrAfhayeenka madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegay in kulankii khamiista ee golaha wasiiradda sidoo kale warbixin laga dhagaystay wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo shirka ganacsiga kaga qayb-galay dalka Jarmalka, wasiirka ayaa sidoo kale booqday dhawr waddan oo Yurub ku yaala, afhayeenka ayaa sheegay in wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadlay dalalkii uu booqday sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha iyo ictiraafka Somaliland.

“Baarlamaanka Yurub wasiirku uu ka hadlay, shir buu ku qabtay ay ka soo qayb-galeen baarlamaanka Yurub iyo dad kale oo aqoonyahano ah. Qadiyadda Somaliland baa lagaga hadlay, qadiyadda abaaraha lagaga hadlay”, sidaasi waxaa yidhi Afhayeen Xuseen Dayr.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee afhayeenka Somaliland oo aanu ka soo xiganay Channelka SOLNA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.