Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Dalka Ka Bilaabay Qorista Ardayda Jaamacadda ee Ka Shaqayn Doona Doorashadda madaxweynaha

Hargeysa – (warsoor) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta soo bandhigay qalab cusub oo lagu daabici doono kaadhadhka codbixiyayaasha, waxaanay sidoo kale ku dhawaaqeen shaqooyinka ay qaban doonaan todobaadkan.

Gudoomiyaha Guddida doorashooyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa shaaca ka qaaday in komishanka doorashooyinka loo keenay qaybtii ugu horaysay qalabkii lagu daabici lahaa kaadhadhka doorashooyinka, maanta la bilaabaya tababarkii shaqaalaha komishanka doorashooyinka.

“Maanta horteena waxaa yaala qalabkii qayb ka mid ah oo soo gaadhay komishanka doorashooyinka qaranka oo lagu daabacayey kaadhadhka codbixiyayaasha. Kuwaasi oo lagu tababari doono hadda shaqaalahaa hortiina fadhiya, joogaana khubaradii tababarka bixinaysay. Mishiinadda inaga soo gaadhay waxaa daba socon doona  oo iyaguna bari, saadambe, saakuun isba socon doona inuu qalabku soo dhamaystirmo”, sidaasi waxaa yidhi Eng. Cabdiqaadir.

gudoomiyaha-doorashooyinka-sl

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in dhawaan la daabici doono kaadhadhka codbixiyayaasha ee ugu horeeyey.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in komishanka doorashooyinka qaranku ay soo kormeeri doonaan goboladda Bariga iyo Galbeedka Somaliland si ay u soo qiimeeyaan xaaladda una bilaabaan hawsha qorista ardayda jaamacadda dalka ee ka shaqqayn doona doorashooyinka madxweynaha ee la qorsheeyeyn in sanadkan 2017 ay dalka ka qabsoonto.

“Komishanka doorashooyinku Qaranku waxay u kala bixi doonaan xaga Boorama iyo xaga bariga ee Burco qayb baa u bixi doonto”, sidaasi waxaa yidhi Eng. Cabdiqaadir Iiman Warsame.

Komishanka doorashadda ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan inay jaamacaddaha dalka ka soo qaraan ardayda ka shaqayn doonta doorashadda madaxweynaha waxaanu yidhi gudoomiyaha komishanka doorashooyinku, “Jaamacadaha iyadoo laga soo qori doono, shaqaalihii daabici lahaa kaadashii codbixiyayaasha ee qaybin lahaa kaadhadhka codbixiyayaasha, markaanu daabacno haddda”.

Masuuliyiin u hadlay xisbiyadda qaranka Somaliland oo kulankan fadhiyey ayaa si weyn u soo dhaweeyey hawsha daabacaada kaadhadhka codbixiyayaasha ee komishanku doorashooyinku qaranku bilaabayaan, waxaanay ku hambalyeeyeen sida ay komishanku u waddaan hawlaha u diyaar-garowga doorashadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.