Shirkadda Telesom oo Maal-galisay Baahinta  Tooska Xuska 18 May Warbaahinta Qaarkood

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ayaa maal-galisay baahinta xuska 18 May ee maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo ah 25 guuradii ka soo wareegtay maalintii Somaliland go’aansatay inay Soomaaliya ka go’day inteeda kale.

Shirkadda Telesom ayaa Telefishanadda HCTV, STAR TV iyo Radio Hargeysa ka taageertay dhinaca baahinta Internet-ka iyo maaliyadda baahinta Tooska ee xuska 18 May. Shirkadda ayaa tan iyo intii telefeshannadda uu ka socday baahinta tooska ah aanu mar kaliyaata xawaaraha internet-keedu hoos u dhicin, waxaan aad uga bogaadiyey dadweynihii ka shaashadaha HCTV iyo START TV ka daawanaayo, goobahooda iyo guryahood.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi darbo oo ka hadlay markii la soo afmeeray xuska munaasibadan 18 May, waxaanu ugu horayn Salaan gaadhiiyey, Madaxweynaha Somaliland, masuuliyiinta sarsare ee maxkamadda Sare, Golayaasha Qaranka iyo Ciidamada Somalialnd waxaanu bogaadiyey dadweynaha reer Somaliland ee ka soo qayb-galay xuska munaasibadan 18 May.

Munaasibada xuska 18 May ayaa ku soo gabo-gabootay Jawi farxadeed iyo nabad-galyo ah waxaana dadweynihii soo maray  goobta ka muuqatay shuruuc wadaniyad Jacaylka ah iyo xiisaha ay dadku u hayaan qarankooda iyo xukuumadooda.

DSC_0213 DSC_0231 DSC_0273

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.