Shirkadda Telesom oo Burco Ku Soo Bandhigtay Adeegga Casriga ah ee 4G++, Qiime Dhimis Balaadhanna u Samaysay Macmiisheeda

Burco – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ku soo bandhigtay khamiistii adeegga casriga ah ee 4G++, waxay sidoo kale shirkaddu qiimo-dhimis balaadhan ku samaysay dhamaan adeegyadda Internet-ka mobile. Shirkaddu waxay abaal-marin gudoonsiiyey 120 qof oo helay moobaylo casri ah iyo maayfaayo ku shaqaynaya adeegga 4G-ga.

img_0367

Bandhigan carwadda oo ka dhacay huteel City Palaze ee magaaladda Burco, waxaana ka soo qayb-galay in ka badan 600 oo qof, waxaan ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Togdheer, gudoomiye ku-xigeenka, Maayarka iyo maayar ku-xigeenka Burco, madax-dhaqameedyo, culimo-awdiin, horumuudka jaamacadda Burco, masuuliyiin ka socday shirkaddaha gaarka loo leeyahay, hayaddaha samafalka, ururadda haweenka, saamilayda shirkadda Telesom ee gobolka, marti-sharaf kale oo tiro badana iyo dhalinyaradd iskugu jiray ragg iyo haween.

Ugu horayn waxaa furitaankii shirka ka hadlay maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Suug-gaynta Telesom ee Gobolka Togdheer Cali Mahdi, waxaanu sharaxaad ka bixiyey adeegyadda shirkadda Telesom ay ku soo bandhigtay carwadda waxaana hadaladiisii ka mid ah ahaa “Waxaa maanta sharaf noo ah, haddaanu nahay bahweynta reer Telesom iyo macaamiisheedaba inaanu halkan idiinku soo gudbino adeegyo dhawr ah oo waxtar weyn u leh bulshadeena oo uu ugu horeeyo adeegga 4G++, waa hayaankii faca shanaad uu ka gudbay 4G oo wuxuu qarka u saaran yahay faca shanaad oo aan rajaynaaayo in Telesom ay dhawaan soo bandhigi doonto. Waxaa kale oo aanu maanta halkan idiinku soo gudbinaynaa qiime-dhimis aad iyo aad u balaadhan oo dhinaca internet-ka ah oo $1 dollar waxaad markii hore ku isticmaali jirtay 83MB, maantana waxaad ku isticmaalaysaa 300MB, taasina waa qiimo-dhimis aad u balaadhan oo ay shirkaddu kuu soo kordhisay”, sidaasi waxaa yidhi Cali Mahdi.

img_0360

“Waxaa kale oo aanu maanta idiin soo bandhigaynaa adeegga kale ee Anti-theft (Ka hortagida Tuugadda), waxaa ina daashaday Mobayl baa la iga xaday. Waxay shirkaddu kuu soo kordhisay adeeggaa markaad iska diwaan-galiso in mobaylkaa lagaa xaday aad dhaqdhaqaaqiisa oo dhan aad la socon kartid oo qof kasta uu sawirkiisa ku siin karo, dhaqdhaqaaqiisa oo dhanna uu ku siin karo, meesha uu joogana uu ku siin karo oo aanad shirkadda Telesom waxba uga baahanayn”, sidaasi waxaa yidhi Cali Mahdi.

Bandhigan waxaa si rasmi ah u furay Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aadan Qabye-tire waxaanu shirkadda Telesom ku hambalyeeyey bandhiga carwaddan ee ay ku soo bandhigtay adeegyadda casriga ah, gudoomiyaha waxaa hadaladiisii ka mid ahaa, “Farxad bay noo tahay inaanu anagoo maamulkii gobolka ka soo qayb-galno heer degmo iyo heer gobol adeegga cusub ee Telesom. Telesom isku sheegi mayno waa shirkaddii indhaha u furtay Telecommunication (Isgaadhsiinta) Somaliland. Waxaan odhan karaa horumarka qarankani gaadhay qayb laxaadle ayey ka qaateen Telesom hadday tahay xagga dhaqaalaha, hadday tahay xagga arimaha bulshadda, hadday dhinac kastaba tahay. Waayo caalamka marka la xisaabtamayo, meelaha hadyo jeer farta lagu fiiqo waxaa ka mid ah Telecommunication-ka (isgaadhsiinta), waxaa waliba Telesom isgaadhsiinta u dheer wax aanay dunidda kale lahayn oo Yurub, Maraykanka iyo waddamada qaniga ah waxaan ka socon bay hirgaliyeen oo ah waxan la yidhaah ZAAD service”, sidaasi waxaa yidhi Gudoomiye Qabyo-tiray.

Bandhiga carwadda 4G++ waxaa isaguna ka hadlay Chief caaqil Axmed Maxamed Daahir waxaanu ugu horayn soo dhaweeyey adeegyadda ay shirkadda Telesom soo kordhisay, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay tahay shirkadda ay ummadda Somaliland oo dhan wadda leeyahay, waxaanu Ilaahay shirkadda iyo dadka leh ba uga baryey in Ilaahay u barakeeyo, waxaanu Chief caaqilku dhiiri-galiyey in shirkaddu ay sii waddo waxa ay bulshadda ku celinayso iyo ka shaqaynta arimaha danta guud ah.

img_0377

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Axmed Cali Bayrax oo ka mid ah masuuliyiintii ka hadashay Daahfurka carwadda 4G++ ee Telesom, gudoomiyaha ayaa shirkadda Telesom ku amaanay adeegyadda ay bulshadda u soo bandhigtay, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay halbowle u tahay dhamaan ganacsatadda gobolka Togdheer oo dhan.

img_0384

Maamulaha shirkadda Telesom ee gobolka Togdheer Maxamud Xaaji Ibraahim oo ka hadlay xidhitaankii xafladda daahfurka Carwadda Adeegga 4G++ ayaa ugu dambayn u mahad-celiyey madaxda iyo masuuliyinta gobolka Todheer ee ka soo qayb-galay xafladda Daahfurka adeegyadda casriga ah ee shirkadda Telesom ay ku soo bandhigtay magaaladda Burco.

Maayarka magaaladda Burco Md. Maxamed Muraad oo soo gunaanaday bandhiga carwaddan daahfurka adeegga 4G ayaa si miisaan leh uga hadlay qaar ka mid ah waxyaalaha ay ka xukuumadd ahaan ka faa’iideen shirkadda Telesom, maayarka Burco ayaa yidhi, “Telesom anagu wax badan badan baanu uga aynay marka aan ka reebo waxyaalaha ay dadku ka siman yihiin. Marka qaadhaanka wax caama oo aanu waddno ula tagno, maamulka waala yaqaanaa waxaa uu leeyahay ku talo-gal la sii qorsheeyey waxaa sanadkaasi uu leeyahay, ayadoon qorshaha ugu jiraan ayaanu ula tagnaa, markaasaanu ku nidhaahnaa waxaasaanu idiinka baahan nahay”.

img_0398

Maayarka ayaa intaasi ku daray, “Qorshaha labaad ee aan aadka uga sii helay waxaa weeye, baabuurta dawladda haddyo jeer dayacoodu waa badan yahay. Haayaddaha dawladda ee ku badhaadhay barnaamijka ILA-SOCO la yidhaahdo, baabuurtayadda waxaanu dhamaan kuwadda xidhnay ILASOCO.  Xafiiskaygaa laga haggaa. Gaadhu markuu saaka xashiish qaado. Awal markuu lowdh noo qaado ilayn war kama haynee, sida xoolaha ayaanu raaci jirnay ayuu halkuu doono ka wareegaa waa iska tagaa 12-ka uun buu noo soo gala isagooo daalan oo aanu isleenahay shaquu ka yimid. Waliba markaasu isleeyahay ka gaadhsiiyo, markuu laba lowdh ama saddex lowdh qaadayo intuu eryo gaadhiga laga yaabaa inuu shan kaabaan soo jabiyo maalintaa. Cagafyadda ka darnaaa, wadnahaa nagu dilaacay. Barnaamijkaa ILASOCO la yidhaahdaanu midwalba dabaddaan kaga xidhnay, xafiiskaygaan ka daawadda imika. Gaadhi walba wadduu leeyahay uu maro haddu cabaar taagnaado signalkaanu siinaa, haddii uu waxba maqli waayo waanu ka bakhtiinaa, halkaa uu yaalo ayaanu ku bakhtiinaa”, sidaa waxaa yidhi maaayarka Burco Maxamed Muraad.

Shirkadda Telesom ayaa abaal-marino iskugu jiraa 100 Mifi iyo 20 Mobayladda casriga ah ee ku shaqeeya adeegga casriga ah ee oo baxay sanadkan 2016 ku wareejisay macmiishii ku guulaysatay Abaal-marinta Tijaabi Nasiibkaaga oo dadku lambaradooda oo lagu qoray warqad la duuduubay oo lagu dhex riday sanduuq quraad ah ay ka soo dhex xuleen, masuuliyiin iskugu jirtay gudoomiyaha gobolka Togdheer, badhasaab ku-xigeenka, maayarka iyo maayar ku-xigeenka iyo masuuliyiin kala duwan oo iskugu jirtay culim-awdiin, madax-dhaqameedyo, rag iyo haween.

Xafladan ayaa ku soo gabo-gabootay jawi farxadeed oo si weyn loogu dhiiri-galinaayey haweenkii ku guulaystay Mobayladda iyo Maafayadda Internet-ka xambaraadda, waxaanay macmiishii ka soo qayb-gashay ay aad ula dhaceen sida cadaaladda ah ee ay u dhacday barnaaamijka tijaabi nasiibkaaga.

img_0417 img_0415 img_0419 img_0425 img_0372 img_0326 img_0318

img_0326 img_0327 img_0329

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.