Hargeysa– (warsoor) – Shir ka dhacay magaaladda Hargeysa oo taageero loogu muujinaayey musharaxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga WADDANI Maxamed Cali Cabdi, madasha waxaa ka hadlay xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI waxaanu si buuxda u taageeray musharaxan.
Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADDANI Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in taageersan yahay, oo uu dhisaayo lana halgamaayo Ambaasador Maxamed Cali Cabdi oo u sharaxan jagadda madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga WADDANI.
Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADDANI Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in tartankii musharixiinta ee xisbiga lagu soo koobay inay ku tartamaan Hal madaxweyne iyo laba madaxweyne ku-xigeen u tartamaaya.
Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay Channel SLSC:
This post is also available in:
Somali