Shirkadda DP World Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Dhamaystiray Heshiiskii Kama Danbaysta Ahaa ee U Dhexeeyey Labada Dhinac

Dubai – (warsoor) – Malmihii u danbeeyey waxa Imaaraadka Carabta ku sugnaa wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda somaliland oo halkaasi u joogay inay dhamaystiraan wixii qabyo ka ahaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray DP World iyo Somaliland, markii kulankaasi soo dhamaadayna waxa saxaafadda la hadlay Safiir Baashe Cawil, Maareeye Axmed Yuusuf Dirir iyo Safiir Cali Xuseen Ismaaciil Shoombe.

Danjire Baashe Cawil oo isagu furay hadalka ayaa sidan yidhi “sida aad la wada socotaan waxa dalka imaaraadka ku sugan wefti reer Somaliland ah oo mudaba halkan joogay, weftigaasi waxay hawl la wadeen shirkada DP World, waxa farxad weyn ah inay weftigaasi soo gabegabeeyeen wada hadalkii u socday iyaga iyo shirkada DP world, wada hadalkaas oo ujeedadiisu ahayd in la dhamays tiro wixii xaal xaal ah ee ka dhinaa heshiiskii bishii September ay xukuumadda Somaliland iyo shirkada DP World wada saxeexdeen”.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Maareeyaha Dekada Berbera, Mudane. Axmed Yuusuf Dirir waxaana ka mid ahaa weedhihiisi “Bisha Maarji (March) Kowdeeda waxa bilaabmaya heshiis dhamaystiran oo dekada loogu wareejinayo shirkadda DP World oo uu maamuli doono kambanigii Somaliland iyo DP World wada lahaayeen, wixii mudadaas ka dambeeya waxa bilaabmaya in la sameeyo qiimayntii dekada dhismaheeda oo uu mudo soconayo sidii loo samayn lahaa nashqada iyo qiimayntu, shaqaale weynihii dekada Berberana waxa aan hambalaynayaa in dhammaantood ay la wareegtay shirkada DP World, marka laga reebo 45 ku soo hadhay wakaalada dekadaha somaliland” 12 ka mid ah oo aan shaqaale rasmi ahayn oo qaybta amaanka kala sii shaqayn jirayna laga bilaabo hadda waa shaqaale rasmi ah oo sidaasi ayey DP world ku qaadatay.

Ugu Dambayntii Danjire Safiir Cali Xuseen Ismaaciil  (Cali Shoombe) ayaa isna shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey una shaqay wixii u qabsoomay waxaanu yidhi “Hasha ugu badan ee aanu haynay waxay ahayd in aan heshiiskaa wax inagu qaloocooni ka iman oo aynu hadhow qoomamayno waanan xaqiijinay iyaga oo looyaradii nala joogaan oo gabagabadii hawsha dhamaystireen, markaa waxa aan odhan lahaa weelkii aynu tolanay maanta ayuu diyaar u yahay in aynu wax ku shubano nin walawba halkii aad ka geli lahayd diyaarso”

Isku soo wada duubo nuxurka kulanka ayaa ku qotoma in labada dhinacba ay ka soo barandegeen wixii heshiiskaasi wiiqi kara ama hoos mari kara ee ha dhaw muran ama qabyo ku keeni kara heshiiska caalamiga ah ee shirkada DP World iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay wada saxeexdeen.

Weftigan oo ka koobnaa wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Amb Baashe Cawil Cumar, Maareeyaha dekeda Axmed Yuusuf Dirir ayaa ku soo dhamaaday weji qurxoon iyo is fahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.