Shiinaha oo Sheegay inuu Kuuriyadda Waqooyi Ka Caawinaayo La dagaalanka Coronavirus

Binjiin – (warsoor) – Madaxweynaha shiinaya ayaa wareysi uu siinaayey Telefishan dalkiisa laga leeyahay sheegay inuu doonaayo inay dalka Kuuriyadda Waqooyi ka caawiyaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, waxaanu madaxweyne Xi Jinping  inuu warqad ugu gudbiyey hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un.

Madaxweyne Xi ayaa sheegay inuu aad u danaynaayo xaaladda dalka Kuuriyadda Waqooyi iyo caafimaad qabka dadkiisa. Xi ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay dadaaladda ay ku Kuuriyadda Waqooyi ku xakamaysay xanuunka neefsashada saameeyeen, waxaanay gaadheen natiijooyin wax ka ool ah.