SHEEKO GAABAN: Waxaa Qorey Axmed Cismaan Batuun

KU: GANACSATADA

UJEEDO: SHEEKO GAABAN

 (XUMEE AAD KA DHEREGTIDE)

Waxa la yidhi ninbaa huteel ku lahaa magaalo caan ah,ka dib dadku aad ayay wax uga cuni jireen oo waa la buuxin jiray waxaanu ahaa huteel cunto macaan oo adeeg fiican,maalin maalmaha ka mida ayuu ninkii huteelka lahaa la shiray shaqaalihiisii oo uu ku yidhi waar waxan dadku inagu arkay waa ilduuf oo huteelada sidan wax loogama cunee laga bilaabo maanta cuntada wax ka dhima oo bariiska nafarkii badh ka reeba oo yareeya ,hililbka waslada yareeya qiimahana kordhiya, sidiibaa shaqaalihii huteelku yeeleen,ka dibna huteelkii dadkii waxba way ka iibsan waayeen oo albaabada ayaa loo laabay, maalin danbe ayuu ninkii huteelka lahaa oo bilaa camal ah busaaradina ka muuqato ayaa nin kale oo ay saaxiib yihiin ku arkay meel suuq ah isagoo taagan markaasuu ku yidhi ka waran huteelkaagii fiicnaa?!.
ninkiibaa ugu jawaabay (huteelkii waanigii is idhi xumee aad ka dheregtide).

Meherado badan ayaa sidan ku socda imika una baahan talo wayn.

       ………2016……..2020…….