Mareykanka oo Maayarka Laascaanood Ku Bogaadiyey Doorka ay Ka Qaateen Dhismaha Jidka Madaarka

Laascaanood – (WARSOOR) – Safaaradda dawladda Maraykanku ay ku leedahay dalka kenya ayaa si u bogaadisay maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale. Kadib markii ay ka wada shaqeeyeen hay’adda kaalmadda dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID iyo maamulka dawladda hoose ee Laascaanood dhismaha jidka isku xidha garoonka diyaaradaha Laascaanood iyo magaaladda inteedda kale.

Jidkaasi oo dhismihiisa ay maalgelisay hay’adda USAID, isla markaana golaha deegaanka Laascaanood ay door aad u weyn ka qaateen.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay hay’adda Maraykanka kaalmadda dibadda u qaabilsan ee USAID ku daabacday barta Internet-ka ay ku leedahay ee Twitter-ka.

Warbixintani bogaadinta ah ayaa ku soo beegmaysa xili Isniintii todobaadkan xadhiga laga jaray Waddadaasi oo dhererkeedu dhan yahay 5 KM.

Dhismaha jidkani ayay hay’adda  USAID bixisay 75% (Boqolkiiba-shan iyo toddobaatan), iyadoo  ay fuliyeen maamulka golaha degaanka degmadda Laascaanood, oo Maayarku hormuud u yahay.

Halka  25% (boqolkiiba shan-iyo labaatan), shurruuda looga dhigay in ay itaalkooda xooga ku saarraan, maadaama madaarku hal-bawle dhaqaale u yahay degmada Laascaanood.

Kaasoo ah madaarka diyaradaha keliya ee ka furan dalka Somaliland marka laga reebo garoonka diyaaradaha caasimada Hargeysa ee Cigaal International-Airport.

Geesta kale maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo ka jawaab celiyay dhanbaalkan hanbalayada ah ee ka soo gaadhay dawllada Maraykanka gaar ahaana hay’adda USAID ayaa ssheegay in hanblayadani tahay mid ku timid kalsoonida ay ka qaateen doorkii maamul ka gole degaan ahaan.

Waxaanu yidhi, “Waanu ka guddoonay dhambaalkan, ay noo soo gudbiyeen dawladda Maraykanka gaar ahaana hay’adda USAID ka maamul gole deegaan ahaan safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Iyadoo ka turjumaysa wadashaqeyntii iyo fulintii shuruudeed ee hay’ada USAID, maadaam aanu anagu qorshaha iyo dalabka-ba lahayn.

Waxaanay tani degmada Laascaanood iyo ka maamul ahaanba noo tahay mid fursad weyn, oo dhinaca mashaariicda arrimaha bulshadda ah, oo door weyn ka qaadanaysa”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Xaqiiqdii iyagoo xog baddan ka qaatay doorka dhaqaalaha iyo dakhliga degmada waxa ay aaminsanaayeen, in ay duruufo badani jiraan oo ay naku adag tahay,  madaama aan degmooyinka dhaqaalaha badan leh aan mashaariicda la wadaagin.

Sidaa darteed, ayay noogu hambalayeeyeen, anagu-na waanu soo dhawayneynaa, waananu dedaalaynaa.

Waxaananu uga mahad celinaynaa doorkii ay ku lahayd xukuumadda dhexe wasaaradda Arrimaha gudaha oo gacan naga siisay” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Dhinaca kale C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa hay’adda NRC uga mahad celiyay Cagaf-cagaf kuwa beeraha lagu qoto ah oo ay ku wareejisay, isla markaana ay  ka faa’iidaysan doonaan bulshadda beeralay xoolo-dhaqatadda ah.

Taasoo iyadna ka mid tahay qorsheyaashii horumarineed ee ay u balan qaadeen. Waxaanu yidhi, “Waxa kaloo aanu halkan uga mahad celinaynaa hay’ada NRC oo aan ka guddoomay Cagafta qodaalka Beeraha, taasoo hay’adaasi noogu deeqday.

Taasoo  iyana qeyb ka ah qorsheyaashii aanu u soo bandhignay bulshadda reer Laascaanood iyo gobolka Sool,  in aanu ka maamul gole deegaan ahaan bilaabi doono barnaamijyada dhinaca wax-soo-saarka ee Beeralay Xoolo-dhaqato.  Taasoo iyadu-na ka qayb qaadan doonta saameyna ku yeelan doonta nolosha bulshada”.

Ugu danbayn maayarka Laascaanood waxa uu sheegay in mashaariicda iyo waxqabadka golaha deegaanka  Laascaanood marba marka ka danbaysa uu  intii hore ka soo korayo.

Dhameystirka dhismaha Jidka madaarkuna ka mid ahaa qorsheyaashoodii waxqabadka arrimaha bulshadda degmadda iyo gobolka-ba, isla markaana ay waxyaabo fara badani ka hirgaleen balan qaadyadoodii.

Iyadoo ay jiraan mashaariic fara badan oo ay fuliyeen dawladda hoose ee Laascaanood oo aanay cidi la wadaagin am aka taageerin, wixii dhimana ay dedaal  badan gelin doonaan.