Hargeysa: Cusbitaal ku Guulaystay Qaliin Culus oo Markii ugu Horreysay Somaliland lagu Sameeyay

Hargeysa – (WARSOOR) – Qaliin culus oo dhinaca wadnaha ah ayaa lagu sameeyay lixdan jir lagu magacaabo Ibraahim, kaasi oo uu xidhnaa xidid wadnaha mara, waxaana hawlgalka qaliinkaasi fuliyey Dr. Maxamed Mustafa oo ka hawlgala cusbitaalka Gargaar ee magaalada hargeysa.

Waa markii ugu horreysay ee qaliin dhinaca wadnaha ah lagu sameeyo gudaha Somaliland, sidoo kalena waa markii ugu horreysay ee lagu guulaysto qaliin noocan oo kale ah.

HALKAN KA DAAWO WARKAN: