Seynisyahan Soomaali ah oo uu ku dhacay Coronavirus

Xasan Cabdi Dhoorre waa Seynisyahan ka mid ah khubarada loo xil-saaray baaritaanka cudurka coronavirus ee dalka Ingiriiska, balse isagii ayuuba ku dhacay, walow hadda uu ka fiicnaaday.

Wuxuuna sharraxay sidii uu uga caafdimaaday Coronavirus, isagoo wareysi siinayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

“Anigoo shaqada jooga ayuu xanuunku i qabtay, kaddibna waxaa la iisoo diray guriga. Ma jirto meel xaqiiqo ah oo aan dhihi karo cudurka halkaas ayuu iga soo raacay, laakiin waxaan raacayay tareennada ay dadka badan saaran yihiin iyo basaska”, ayuu yiri.

Markii uu cuedurka ku dhacay wuxuu aad ugu sii xanuunsaday gurigiisa, halkaasoo uu isku karantiilayay.

“Xanuunkan wuxuu leeyahay qufac qallalan oo aysan waxba soo raaceynin. islamarkii aan guriga tagayba waxaa igu billowday qufacaas iyo qandho kulul, sidoo kalena waxaa i dhibayay naqaska”, ayuu yiri Xasan Cabdi Dhoorre.

Muxuu isticmaalay Seynisyahanka, kaddib markii uu cudurka ku dhacay?

Dhoorre oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: “Horta wali ma jirto daawo soo baxday oo uu cudurkan leeyahay, sababtoo ah waa xanuun adduunka ku cusub. Aniga waxaan qaadanayay dawooyin kaalmaati ah, sida qandho jabiyaha loo yaqaanno barastimoolka, kaasoo aan labo xabo ka cunayay markiiba, sidoo kalena waxaan cabayay biyo badan”,

Hadda wuu ka caafimaaday xanuunka, wuxuuna dadka Soomaalida ah ku boorriyay inay aaminaan jiritaanka cudurkan, ayna aad uga taxadaraan.

Wuxuu seynisyahankan sheegay in dawada coronavirus sameynteeda ay qaadan karto wax ka badan hal sano, xilli xanuunkan uu faro ba’an ku hayo inta badan dalalka caalamka.

Dowladda Britain waxa ay shaacisay inay hawsha kala wareegtay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maamula tareennada dalkaasi.

Shirkaddaha ayaa laga codsaday inay aqbalaan heshiis degdeg ah oo looga gol leeyahay la dagaalanka cudurka saf-marka ah.

Shirkaddii diiddo heshiiska ayaa waxaa si khasab ah looga qaadan doonaa shatiga iyo tareennada ay maamushaba.

Dhanka kale dowladda ayaa laga filayaa tallaabooyin dheeraad ah oo ay uga hortagayso cudurka Covid-19.

281 oo qof ayaa ilaa hadda UK gudaheeda ugu dhintay coronavurus, halka dad gaaraya 5,683 qofna uu ku dhacay.

Muxuu yahay Coronavirus?

Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nooc caabuq ah oo ka mid ah bahda Fayraska ee loo yaqaanno coronavirus, kaasoo aan horay loogu arkin bani’aadanka.

Markii ugu horreysay wuxuu ka dillaacay magaalada Wuhan, oo ku taalla bartamaha gobolka Hubei ee dalka Shiinaha.

Wararka qaar waxay sheegeen in cudurkan oo ka abuurmay xayawaanka uu markii hore kasoo ifbaxay suuqa hilibka xayawaannada badda ee magaalada wuhan.

Khubarada waxay sheegeen in uu calaamado ahaan u dhoo yahay cudurka Sars, oo ah caabuq aad u xun oo neef mareenka ku dhaca ayaa ku dhawaad 800 oo ruux ku dilay caalamka horaantii sanadihii ka dambeeyay 2000, wuxuuna qudhiisa qeyb ka ahaa cudurka coronavirus.

Maxaa ugu dambeeyay?

Qaaradda Yurub ayaa hadda saldhig u ah cronavirus, inkastoo markii ugu horreysay uu ka dillaacay Shiinaha.

Waddanka ay dadka ugu badan ku dhinteen waa Talyaaniga, oo wali dagaal culus kula jira cudurkan.

Guud ahaan dunida 350,000 oo qof ayuu ku dhacay Coronavirus, tan iyo markii uu soo ifbaxay. 15,000 oo ka mid ah dadkaas ayaa u geeriyootay, halka ku dhawaad 100,000 oo ruuxna ay ka caafimaadeen.

Xigasho: BBCSomali