Golaha Wakiiladda Somaliland oo Loogu Yeedhay Fadhi Aan Caadi ahayn Todobaadka dambe

Hargeysa – (WARSOOR) – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa laga dalbaday inay isugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn todobaadka dambe ee soo socda xili ay ku jiraan fasax afar todobaadka ah oo ay galeen goluhu.

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa lagu wargaliyey inay ansixin doonaan laba Xubnood oo ay mucaarid u soo xuleen inay ka mid noqdaan komishanka doorashooyinka Somaliland ee dhawaan lagu heshiiyey.

Halkan ka akhriso Warqadda dalabka xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland.