Prof. Afyare oo shaaciyey waxa ay ka dhigan tahay dhex-dhexaadnimada DF ee xiisada Masar iyo Itoobiya

QADAR – (WARSOOR) – Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay sheegay inay Soomaaliya dhex-dhexaad ka tahay khilaafka xoogan ee u dhexeeya labadaasi dal.

“Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile Soomaaliya waxay ka taagan tahay dhex dhexaad, haddii loo baahdo Soomaaliya waxay ka gacan geysaneysaa xalka khilaafkaas loo heli lahaa, iyo isu soo dhowaanshaha, kaalinteeda waxa weeye dhex dhexaadnimo iyo suurta gelin in khilaafkaas soo afjarmo,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Hadalka Cawad ayaa yimid kadib markii Jaamacadda Carabta, oo ay ku mideysan yihiin dalalka Carbeed ay dhawaan soo saartay qaraar ay ku cambaareyneyso dowladda Itoobiya oo ku gacan seyrtay dhexdhexaadinta uu Mareykanka ka muranka biyo xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso qeyb ka mid ah Wabiga Nile.

Professor Afyare Cabdi Cilmi oo culuunta amniga ka dhiga Jaamacadda Qatar, ayaa BBC-da u sheegay in hadda taageerada ay Masar ka heli jirtay gobolka Geeska Afrika ay sidii hore iska baddaleyso.Valueimpression Placeholder

“Marka si guud loo qiimeeyo arrinta waxaa soo baxeysa natiijo ah in uu isbaddalay wajiga uu lahaan jiray murankii mudadada dheer u dhaxeeyay Masar iyo Itoobiya. Hadda waxaa muuqata in ay isbaddaleen mowqifyada dalalkii ay Masar maalgashiga ku sameysan jirtay ama taageerada ka kasban jirtay ee gobolka, gaar ahaan dalalka muslimiinta ah ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan. Sababtu ha noqoto noocey doonto, laakiin waxaad mooddaa in Masar hadda looga adkaanayo Geeska Afrika,” ayuu yiri Afyare.

Mar uu sharraxaad ka bixinayay waxa uu ka dhigan yahay hadalka Soomaaliya ayuu yiri: “Xogta dhabta ah ee la xiriirta sababta ay dowladda Soomaaliya u baddashay go’aankeedii hore ee ay ku garab taagnaan jirtay Masar iyo waxa ay dalkaas ku qoonsatay, ama ay Itoobiya kaga baddalaneyso go’aanka noocaas ah, waxaa la weydiinayaa madaxda dowladda. Laakiin marka si guud loo indha-indheeyo waxaa ii muuqda in Masar ay dabacday oo ay lumisay saameyntii ay ku lahayd gobolka iyo dalalka ku teedsan badda Cas, caalamka Islaamka oo ay markii hore Sacuudiga kula tartami jirtayna waxaa uga awood roonaaday dalal kale”.