Sarkaal Askariya oo Bosaaso Lagu Khaarajiyey

BOOSAASO – (WARSOOR) – Dableey hubaysan, ayaa maanta bartamaha magaaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dilay, sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada Canshuuraha Berriga ee Puntland.

Ilo’ ka tirsan Laamaha Amniga oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay dilka sarkaalkaas, oo ka dhacay gudaha maqaayad ku taalla bartamaha Boosaaso.

????????????????????????????????????

Sarkaalka la dilay, waxaa magaciisa lagu sheegay Caynab Maxamed Dunge, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii weerarka gaystay oo aan weli la aqoonsan haybtooda iyo cidda ay ka tirsan yihiin midna.

Ciidamada Amniga ayaa haatan gudaha magaalada ka wada, hawlgallo lagu baadi-goobayo dableeydii weerarka gaystay, iyadoo aysan jirin weli cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas.