War degdeg ah: Qarax ka dhacay magaalada Garowe oo qasaara geystay

GAROOWE – (WARSOOR) – Qaraxaasi ayaa la sheegayaa in lala beegsaday guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi oo dhaawac culus uu qaraxaasi ka soo gaaray.

Sida oo kale waxa qaraxaasi dhaaawac uu ka soo gaaray 2 qof oo kale oo midi yahay taliyihi hore ee qaybta gobolka nugaal Faaraxa Galandoll.

Waxaana dadki qaraxaasi ku dhaawacmay uu ka mid yahay guddoomiyaha la geeyey Isbitaalka Garowe.

Hase yeeshee, ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxaasi iyo cid loo qabtay toona.

Xigasho: BBCSOMALI