Puntland oo Faahfaahin Ka Bixisay Qarax Ka Dhaawacay Garoowe

Garoowe – (warsoor) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo wareysi haatan wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax caawa ka dhacay gudaha  caasimadda Garoowe.

Wasiir Dhabancad, ayaa sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu fiidnimadii caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo uu weheliyay Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli).

Mudane Dhabancad, wuxuu intaas raaciyay in Guddoomiye Gu’jir iyo G/sare Faarax Galan-goolli ay labaduba ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro qof shacab ah oo isna ku dhaawacma, islamarkaana dhammaantooda lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Wasiirka oo wax laga weydiiyay in qaraxaas cid loo qabtay, ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan jirin cid loo qabtay balse ay socdaan hawlgallo lagu baadi-goobayo cidda ka dambaysay qaraxa.