Sagaal qof oo xalay ku geeriyooday Isbitalka Martiini

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in xalay ay sagaal qof ku dhinteen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa barteeda facebook kusoo qortay β€œWaxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.”

Wasaaraddu ma sheegin in sagaalka qofba ay u dhinteen cudurka COVID-19, hase yeeshee isbitaalkaasi ayaa la geeyaa oo keliya dadka qaba cudurkaas.

Warbixintii shalay ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ayaa kiisaska dhimashada la xiriira COVID-19 ee Soomaaliya waxay taagneyd 23 qof, kadib markii shan dhimasho ay soo kordheen shalay, waxaana tiradan ayka dhigaysa dadka u dhintay cudurka guud ahaan Soomaaliya 32 qof.

Qoraalka wasaaradda ay soo dhigtay facebook ayaa waxaa la socday diginin isbitaallada gaarka loo leeyahay loogu sheegay inay soo gudbiyaan bukaanada looga shakiyo COVID-19, oo aysan seexin

Kiisaska cudurka COVID-19 ee Soomaaliya ayaa dhan 436, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee dowladda.

Bishii Maarso 16-keedii ayaa Soomaaliya lagaga dhiwaaqay kiiskii u horreeyey ee COVID-19.

Xigasho: VOA Somali