Madaxweyne Farmaajo oo faro-geliyay khilaafka Muuse Macallin iyo Baashe Yuusuf

 Muqdisho – (WARSOOR) – Warar ay heshay caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu go’aan ka gaari doono khilaaf culus oo u dhaxeeya guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir Muuse Macallin Cabdi iyo Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Khilaafka labadaan masuul ayaa soo jiitamayay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, waxa uuna sababay in guddoomiyaha maxkamadda gobalka lagu sameeyey shaqo joojin lana magacaabo mid ku-meel gaar ah, inkastoo uusan u hogaansamin shaqa joojintaas.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhinacyadu ay gudbiyeen tabashooyinka ay kala qabaan kadibna la sugayo in Villa Somalia ka soo baxo natiijada xalka u noqon karta khilaafkooda.

Go’aanka soo bixi doono, oo aan la ogeyn inuu noqon doono mid warbaahinta lala wadaago iyo in kale, ayaa la sheegay in dhinacyadu ay heli doonaan, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maxkamadda gobalka Banaadir.Valueimpression Placeholder.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in khilaafka labadaan masuul uu salka ku haayo muran ka dhashay arimo lacageed iyo laba qof oo ka tirsan shaqaalaha Maxkamadda gobalka Banaadir oo mid kamid ah loo xiray eedo musuq maasuq midna loo xiray amar diido, kuwaas oo midkood ay qaraabo yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare.

Lama oga nooca go’aanka ay Villa Somalia ka gaari doonto khilaafka labadaan dhinac hase yeeshee khilaafkooda ayaa saameen weyn ku yeeshay howlihii garsoorka ee socday muddooyinkii la soo dhaafay, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadka shaqada u doontay maxkamadda gobalka Banaadir.