Kiisaska COVID-19 ee Jabuuti oo dhaafay kun qof

Jabuuti – (warsoor) – Mas’uuliyiinta caafimaadka dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey in dowladda ay diiwaan-gelisay 12 kiis oo cusub oo ah cudurka COVID-19.

Tiradan cusub ayaa kiisaska guud ee dalkaas laga diiwaan-geliyey waxay ka dhigeysaa 1035.

Si kastaba, dhimashada Jabuuti ee cudurka ayaa ah kaliya laba qof, taasi oo aad u yar marka loo eego tirada kiisaska la xaqiijiyey. 477 qof oo ka mid ah dadkii cudurka laga helay ayaa bogsaday.

Jabuuti ayaa ah dalka laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan COVID-19 ee Bariga Africa.

Xigasho: VOA SOMALI