Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta Oo kulan La Yeeshay Amiirka Ras-Al-Khayma Iyo Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Degan Halkaas

Ras-Al-Khayma – (warsoor) – Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, Amb. Baashe Cawil Cumar, ayaa  kulan uu la yeeshay hogaamiyaha mandaqada Ras Al Khaymah HH. Saud bin Saqar kaga wada hadleen iskaashiga u dhexeeya Somaliland, iyo Ras-Al-Khayma.

Kulanka Amb. Baashe Cawil iyo HH Saud bin Saqar oo ka dhacay qasrigiisa ayay kaga wada hadleen xidhiidhka qotada-dheer u dhexeeya shacabka Somaliland iyo mandaqada Ras al Khayma, oo mudooyinkii u dambeeyey sii xoogaysanaayey.

safiir_baashe

Kulanka oo ay Safiir Baashe Cawil ku weheliyeen xubno ka tirsan jaaliyada Somalilad ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa amiirka mandaqada Ras al khayma, HH Saud bin Saqar uu ballanqaaday iskaashi dhexmara Somaliland, isla markaana amaanay kaalinta jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan kaga jiraan horumarka dhaqaalaha mandaqada.

Kulanka labada dhinac ayaa lagu soo hadal  qaatay wada shaqeyn dhexmarta labada wadan iyo labada shacab, isla markaana waxa loo ballamay in kulamo dambe oo hawlaha lagu sii ambaqaadayo la yeesho.

Kulankan dhexmaray wefdiga uu hogaaminayey safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Cumar iyo Amiirka mandaqada Ras al Khayma HH Saud bin Saqar ayaa la filayaa inuu wax weyn ka qaato horumarinta iskaashi u dhexeeya labada wadan, iyo sidii loo soo xoojin lahaa hawlaha ay ka wadaan waddanka ee ay ugu horayso shidaal baadhistu.

Dhinaca kale Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulan afuro iyo iswaraysi ah la yeeshay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas .

Kulanka jaaliyada iyo safiirka oo ka dhacay huteel Hilton Double Tree ee magaalada Ras al Khayma ayaa Amb. Baashe Cawil uga waramay hawlaha horumarineed ee ka socda dalka iyo dhinacyada ay ka kooban tahay.

Amb. Baashe cawil ayaa sheegay in iskaashiga Somaliland ka hesho wadammada caalamka sannadihii ugu dambeeyey ay ku soo biireen dalka Imaaraadka Carabta oo ilaa immika mashaariico la taaban karo oo koobsanaya dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, kaabayaasha ka fulisay deegeemo kala duwan oo dalka ka tirsan, kuwo kalena diyaar yihiin bilowgooda, isla markaana heshiiska dhawaan dhexmaray shirkada DP World iyo Somaliland ee casriyeyta dekeda Berbera tahay kii ugu balaadhnaa maalgashi Caalamiya oo ay somaliland gasho tan iyo rubuc qarnigii ay la soo noqotay madaxbanaanideeda ee muddadii jamhuuriyadda Somaliland jirtay ka hesho caalamka, dariiq cusubna u furi doona maalgashiga dibadeed oo dalka horumarkiisa iyo dadka Somaliland unfaca.

Xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee mandaqada Ras al Khayma oo kulankaa ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey isla markaana amaanay kulanka uu la yeeshay safiir Baashe Cawil, isla markaana ballanqaday inay diyaar u yihiin wada shaqeyn dhexmarta.

Jaaliyada Somaliland ee Ras al Khayma ayaa sidoo kale si weyn u amaantay kaalinta iyo dedaalada Safiirka Imaaraadka Carabtu ku lahaa inuu hirgalo heshiiska dhawaan dhexmaray shirkada DP World iyo Somaliland ee casriyeynta dekeda Berbera, isla markaana cadeeyey siday diyaarka ugu yihiin ka qeybqaadashada hirgelinta iyo dhaqangalka heshiiska DP World iyo dekeda Berbera, oo wax weyn ku kordhin doona horumarka dhaqan dhaqaale ee dadka iyo dalka Somalilandba.

Kulankan laba geesoodka ah ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan safiir Somaliland ka socda iyo Masuulka Mandaqada Ras-Al-Khayma, iyadoo sidoo kalena aanay hore u dhicin in jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Ras-Al-Khayma ay la kulmaan masuulka socda safaarada Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, waxaanu ahaa kulan aad loo soo agaasimay oo laysku dhaafsaday xog waran iyo dardar gelinta hawlaha qaranka ee labada dhinacba khuseeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.