Muqdisho – (warsoor) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dooranayaa ilaa iyo Saddex kursi oo ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kuraastaan ayaa ah Kuraasta xubnaha Gobalada Waqooyi oo Doorashadooda ay ka dhaceyso Caasimadda Soomaaliya.
Wariyaasha warbaahinta Qaranka oo haatan ku sugan xarunta Doorashada ayaa soo sheegaya in lagu jiro diyaar garowgii ugu danbeeyay isla markaana mar dhow la filayo inay toos u bilaabato doorashada Saddexdaan kursi ee Golaha Shacabka.
Xigasho: SONNA
This post is also available in:
Somali