Muqdisho – (warsoor) – Alle ha u naxariistee Nuur Faarax Xirsi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore uu Raysal Wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid.
Wasiirka ayaa muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxa uuna yaalay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagula tacaalaayay xanuunkiisa.
Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Wasiirkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi, waxaana aaska ka qeyb gali doono mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
This post is also available in:
Somali