Wasiirka Madaxtooyada Oo Hadhimo sharafeed ku Maamuusay Garabka Haweenka Iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

“KULMIYE Waxa uu Leenahay maanta Hogaamiye cusub Iyo murashax waayo Arag ah Khabiir ah, Axmed Siilaanyo Raggii Madarasadiisa ka Aflaxay ah, sange adag Ayeynu Maanta wadanaa.” Wasiir Maxamed Xaashi Cabdi

Hargeysa – (warsoor) – Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayeen wasiirro, xildhibaanno iyo madax-dhaqameed tiro badan, ayaa maanta hadhimo-sharafeed lagu dardargelinayey hawlaha xisbiga la wadaagay cuddudda haween-weynaha KULMIYE, iyada oo halkaasna si weyn loogaga mahadnaqay doorka laxaadka leh ee ay haweenku ka ciyaareen guulihiii xisbiga iyo kuwa mustaqbalka dhaw la rajaynayoba.

Munaasibaddan hadhimo-sharafeedda ah oo uu abaabulkeeda lahaa wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa waxa ka qayb-galay hoggaanka xisbiga oo uu ugu horreeyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen ku-xigeennadiisa, xildhibaanno, salaaddiin, xildhibaanno iyo wasiirr uu hormood u ahaa wasiirka madaxtooyada, iyada meesha lagaga saaray warar maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta qaarkeed lagu qorayey oo sheegayey inuu jiro khilaaf ku saabsan guddoominta xisbiga, waxana madaxdii halkaas ka hadashay cod dheer ku sheegeen inaanu jirin wax khilaaf ah oo hoggaaminta xisbiga ka taagani.

Sidoo kale madasha si weyn loogu bogaadiyey doorka muuqda ee uu wasiirka madaxtooyada Somaliland kaga jira dardargelinta hawlaha xisbiga iyo u diyaar garowga hawsha xisbiga kusoo fool leh eek u saabsan u diyaar garowga arrimaha doorashooyinka.

Ugu horrayn guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige(jaamac-shabeel) oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey doorka wasiir Maxamuud Xaashi, isaga oo dhinaca kalena digniin adag oo ku saabsan didmada xisbiga WADDANI ka muujiyey mus-dambeedka loo samaynayo guddida doorashooyinka qaranka, “Waan ku hambalyeynayaa wasiirka madaxtooyada inuu hawshii xisbiga usoo kabaal qaatay, wasiirrada kalena waxan leeyahay waa la idiinka fadhiyaa doorkaas Maxamuud Xaashi, waqtigagynu gallayna waa waqtigii olaluhu bilaabmayey oo fadhi inooma yaallo, waxana la doonayaa inuu wasiir waliba kaalinta kaga aaddan ka qaato,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo katirsan mudaneyaasha KULMIYE ugu jira golaha wakiillada oo isaguna halkaas ka hadlay sharraxaad dheer ka bixiyey asbaabta keentay inuu taageero guddoomiye Muuse Biixi isaga oo carrabka ku ballaadhiyey waxyaabo muhiim ah oo uu guddoomiyaha KULMIYE kaga duwan yahay dhiggiisa kale, waxana uu yidhi, “Wanaagga iyo tayada dadka uu xisbiga KULMIYE leeyahay Ayaan mar walba xisbiga uga tegi waayey, aniguna waxan is barbar dhigay guddoomiyahayga wakiillada iyo Muuse Biixi, waxana aan idhi keebaad raacdaa oo aad taageertaa, waxana ay ila noqotay inaan Muuse Biixi taageero, waayo Muuse isaga oo 30-jir oo madax ahaa oo maraykan waxbarasho uga yimi ninka intuu madaxtinimadiisii ka tegay Somaliland halkaas u galay iyo ninka saacadihii ugu dambeeyey liinta ku cabaayey Moscow wallaahi isku mid ma aha.”

Salaadiin, xildhibaanno iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey doorka haweenka ee xisbiga KULMIYE, waxana ay sheegeen inay mar walba baal dahab ah kaga xusan yihiin guulaha xisbigu gaadho.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisha sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey haween weynaha KULMIYE oo uu sheegay inay laf-dhabar u yihiin guulaha xisbiga KULMIYE, waxana uu si cad u sheegay inay ka midaysan yihiin dhisidda guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, “Haddii aniga, Muuse Biixi iyo Axmed Kijaandhe aanu tartamaynay maantana waanu is dhisaynaa, tartanka KULMIYE dhex yaallayna marnaba mid colaadeed muu ahayne mid uu qof waliba dareenkiisa iyo waxa uu doonayey muujinayey ayuu ahaa, anigana waxa si khaas ah farxad iigu ah inaan walaalkay Muuse Biixi Cabdi dhisayo, Muuse-na waxan leeyahay haddii shalay aynu si adag xisbiga gudihiisa isugu haynay waxad ku bushaaraysataa annaga oo ku garab taagan oo ku dhisayna oo hiil iyo hooba kula garab taagan.”

Wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isaguna mahadnaqa haweenka iyo ku guubaabinta dardargelinta hawlaha xisbiga kusoo foolka leh  “ Farxad weyn ayey ii tahay maanta in haween waynahay xisbiga Kulmiye oo mudan mahad celin, iyo bogaadin aan ku marti qaado munaasibada xafladan, ujeedada iyo dulucdu ma laba labaysna, waa mid qudha waxay daaran tahay mahad celin iyo bogaadin haweenka hadaa tihiin hawlaha xisbiga kaalinta muuqata ee aad kaga jirtaan, waxa kale oo ay daaran tahay guubaabo iyo dardar galin hawlaha xisbiga maadaama oo aad tihiin udub dhexaadkii xisbiga Kulmiye,

 

“Waxaan leeyahay Kulmiye waa xisbi khilaafkiisii dhameeyey maanta meel wax u wada wada, waxaan meela ka maqlayaa jabaq ah khilaaf iyo dagaalbaa Kulmiye ka dhex socda, waxa laysku hayaa Gudoomiyihii xisbiga, waxa isku haya Maxamuud Xaashi, Maxamed Kaahin iyo rag kale, waxaan cadaynayaa oo far waaweyn ku dhigaynaa maanta Kulmiye hal loolan ayuu ku jiraa, loolan labaad kuma jiro. Kulmiye wuxuu ku jiraa loolanka siduu u heli lahaa talada hogaanka dalka mar labaad, waxa aynu dhamaanteen dhisaynaa Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici, loolan labaad oo dhexdeena ka jiraa ma jiro, anniga iyo Maxamed Kaahin waxaanu nahay laba nin oo saaxiib ah, isagguna waa Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye aniguna waxaan ahay Wasiirkii Madaxtooyada labadayaduna waxaanu fadhinaa kaalin adag oo la yidhaa biyo culusta.” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

“Biyo culusta dadka qaar ayaan aqoone, marka geella la waraabinayo, waxa meesha dag ee wadaanta la dhigaa nin adag oo madaale ah, halkaas ayaanu labadayadu fadhinaa, waxaanu nahay kuwa hadii muuse dhismana ay saamayntooda weyn ku yeelanaya, hadii Alle naguma keenee ay nagu soo dhacdo wadaantu taariikhdu kuway xusi doonto, Ragg ceel wadaan ka wada dawlinaya oo wadaan wada jiidayaa hadaanay si wacan jiibta iyo jaanta isula helin, oo midba ka kale qardabo oo ay is riixaan ma guulaystaan. Anniga iyo Maxamed Kaahin waxaanu nahay raga wadaanta wada jiidaya, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye-na maanta tartan kama jiro, dee gudoomiyaheenii waaka halkaa fadhiya, oo waa Muuse Biixi, waxaan leenahay waxa dacaayadahaas iyo maaweelooyinkaas wada dad xisbiga Kulmiye doonaya inay cudur dhex galiyaan, waxaan leenahay reer Kulmiye dacaayadaas iyo cudurkaas iska ilaaliya, Ilahay ayeynu ka magan galnay” ayuu yidhi wasiir Xaashi.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna xusay inaanu wax khilaaf ah oo u dhexeeya hoggaanka xisbiga, isla markaana isaga iyo wasiirka madaxtooyadu ku midaysan yihiin ka midho dhalinta hanka guddoomiye Muuse Biixi ku doonayo inuu qaranka hoggaamiyo, “Aniga iyo Maxamuuud Xaashi si fiican baanu u wada shaqaynaa, isaguna waa wasiirkayga biyo-culusta fadhiya aniguna odaygiisa xisbiga jooga baan ahay, arrinkanna waanu ka wada hadalnaa.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda soo afmeeray, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ku qanacsan yihiin natiijada cod-bixiyayaashii ay komishanka doorashooyinku soo saareen, isla markaana ay rajo fiican ka qabaan inay darafyada waddanka ka keenaan codad, waxana uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu ku qanacsan yahay oo uu soo dhaweynayaa natiijadii uu soo saaray guddida doorashooyinka, intii is-diiwaangelisay iyo intii ka shaqaysayna waanu hambalyeynaynaa, doorashada KULMIYE-na waxa aanu guusha ka doonaynaa lixda gobol oo dhan, haddana gobollada darafyada ayaanu koobka ka qaadaynaa oo xooggayaga, mucdayada iyo dadka na taageeraaba joogaan, taasna waanu ka hawlgelaynaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.