Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khudbad ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo muujiyey tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxaana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.

Eng. Rooble ayaa sheegay in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, waxaana uu  ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso siddii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isaggoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyeyaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan siddii loo hirgelin lahaa doorashada.

Ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaare Rooble in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso.