Xukuumadda Somaliland Oo Gaadiidkii Ugu Tiradda Badnaa Usoo Iibisay Ciidamada Booliska Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa soo bandhigay gadiid aad u tiro badan oo ay xukuumadda Somaliland usoo iibisay ciidamada Booliska Somaliland,kuwaas oo lagu soo bandhigay munaasibadii lagu daah furaayey.

Gaadiidkan ay xukuumadda Somaliland usoo iibisay ciidamada Booliska Somaliland oo ay tiradoodu dhamayd 51 gaadhi ayaa loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo nabadgelyadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadan lagu soo bandhigayey gaadiidkan waxa goob joog ka ahaa taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Booliska Somaliland,waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Hogaanka gadiidka ee ciidamada Booliska Somaliland oo sheegay in gaadiidkan ay xukuumadda Somaliland usoo iibisay ciidamada Booliska Somaliland.

Waxa isna goobtan lagu soo bandhigay gaadiidkan ka hadlay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland sareeye Guuto Maxamed Cabdi Xasan Mirre oo xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uga mahadceliyey gaadiidkan tiradda badan ee ay usoo iibisay ciidamada Booliska Somaliland.

Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), isaga oo daah furay gaadiidkan ay xukuumadda Somaliland usoo iibisay ciidamada Booliska Somaliland, waxaanu ka warbixiyey waxyaalaha lagu qaban doono gaadiidkan.

Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa sheegay in tiradda gaadiidkani ay dhan tahay 51 gaadhi, kuwaas oo ay ku jiraan 30 Langaruusar ,13 Xaajiyadood,3 gaadhi oo waaweyn iyo 5 gaadhi oo yar yar, kuwaas oo ah gaadiid cusub oo aan hore loo isticmaalin sida taliyuhu sheegay, isla markaana soo baxay sannadkan 2021.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland waxa uu sheegay in gaadiidkan laga soo iibiyey Miisaaniyadda Qaranka, waxaanu intaas ku daray in goboladda dalka loo kala diri doono, loona qaybin doono, iyada oo shaqada u horeysa ee ay qaban doonaan ay noqon doonto shaqada Doorashooyinka Somaliland oo amaankeeda lagu sugi doono,doorashada ka dibna amaanka Qaranka lagaga shaqayn doono,isaga oo Taliyeyaasha iyo ciidamada Saldhigyadda kala duwan ee Ciidamada Booliska Somaliland ku dardaaray in ay gaadiidkan dayaca ka ilaaliyaan.