Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Michael Keating,iyagoo ka wada hadlay doorashooyinka dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan iyo sidii loo dardar gelin lahaa.
Labada Masuul ayaa isla jeexjeexay xaaladda maanta uu Dalka marayo iyo sidii si habsami leh loogu guda geli lahaa doorasho xalaal ah oo ay Soomaalidu ku wada qanacsan tahay, lagana ilaaliyay galdaloollooyin.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Danjire Keating, ayaa sidoo kale waxay isla qaadaa dhigeen diyaar garoowga loogu jiro shirka madasha qaran ee la filayo inuu Berrito ka furmo magaaladan Muqdisho, kaasoo diiradda lagu saari doono turxaan bixinta goalaha sare ee Baarlamanka iyo sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa.
Xigasho: SONA
This post is also available in:
Somali