Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay 60 Sanno Guuradii Kasoo Wareegtay Markii Ay Somaliland Xornimadeeda Ka Qaadatay Ingiriiska

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa habeenkii xalay Qasriga Madaxtooyadda JSL ee Caasimadda Hargaysa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo loogu dabaal degayo Xuska 60 Guuradii ka soo wareegtay Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-Kii.

Munaasibadan qaran waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Shirgudoonka labada gole ee baarlamaanka Somaliland, Hoggaanka xisbiyadda qaranka, madax ka socota sadexda gole qaran iyo dublamaasiyiin shisheeye ah oo lagu soo marti qaaday.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Waddooyinka waaweyn ee ay sameysatay ay ka mid tahay jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo imika ay ka dhiman tahay 50kii kiiloo mitir ee u dambeeyey.

Madaxweynuhu wuxuu  tilmaamay in Somaliland ay horseed ugu tahay Afrika dhinaca dimuqraadiyadda oo ay saddex madaxweyne cod dadweyne lagu kala beddelay, taasina aanay suurtogal ka aheyn inta badan dalalka Afrika. Waxa kaloo uu xusay inay Somaliland hal-abuurka shirkadaheeda ganacsi ay gaadheen heer ay majeertaan dalalka Yurub ee horumaray.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in wadahadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya uu ku bilaabmay laba dawladood oo siman isla markaana uu ku dhammaan doono labada dawladood oo siman.