Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shacabka Togdheer Kala Qayb Galay Xuska 26 June

Burco – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Xarunta gobolka Togdheer ee Magaaladda burco kaga qayb galay munaasibada 60 Guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland gobonimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960.

Madaxweyne ku xigeenka JSL waxaa Wehelinayay Wasiirada Waxbarashadda, Shaqo gelinta iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa si qoto dheer u sharaxay in Somaliland ay ka mid ahayd dalalkii Africa ee sannadkii 1960 xornimadooda ka qaatay Gumaystayaashii qaaradan qaybsaday.

Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici waxa uu ka hadlay Midnimadii lagu hungoobay iyo is raacii dhex maray Somaliland iyo Somalia oo 1-dii bishii July ee 1960 gobonimadeeda ka qaatay guumaystaha Talyaaniga isagoo sheegay inay umadda Somaliland ka dhaxashay burbur iyo khasaare baaxad leh kaas oo sababay in halgan qadhaadh kadib lagu go’aamiyey Magaaladda burco dib ula soo noqoshadda madaxbannaanida JSL.

Dhinaca kale Munaasibad xuska 26 June la xidhiidha ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Awdal ee Magaaladda Boorama.

Waxaa xafladaas ka qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilladda, Wasiiradda Warfaafinta, Horumarinta Jiddadka iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxdii xafladaasi kala qayb galay Shacabka Magaaladda Boorama ayaa iska daba maray Taariikhdii ay Maalintani leedahay, israacii aan sharciga ahayn ee dhex maray JSL iyo Somalia iyo dhibaatooyinkii ka dhashay.

Mas’uuliyiintani waxay ku guubaabiyeen Guud ahaan Shacabweynaha reer Somaliland inay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ku taageeraan wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya si looga midho dhaliyo qaddiyada qarankani halganka ugu jiro oo ah in JSL ay aqoonsi buuxa ka hesho dunnida inteeda kale.

Geesta kale Sida ay ku soo waramayaan Weriyeyaasha Wakaallada Wararka Solna Xaflado ku saabsan xuska qaran ee 26 June ayaa habeenkii xalay lagu qabtay Magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Laascaanood, Ceerigaabo, Berbera, Gebilay iyo kuwo kale.

Faahfaahinta Wararka xuska 60 Guurada ka soo wareegtay dharaartii ay JSL xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska Waxaan idiinku soo gudbin doonaa Baahimahayaga soo socda hadii alle raali ka noqdo.