Qarax iyo Dilal Qorsheysan oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) Dabley hubaysan ayaa saaka aroortii Magaalads Muqdisho waxa ay ka gaysteen dil, kadib markii ay beegsadeen wiil dhalinyaro ah.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareera oo ku yaallo Degmada Warta Nabadda.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay tahay meel lagu qaxweeyo oo dhalinyarada ay isugu yimaadaan, waxaana halkaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho maalmahan dambe, waxaana dilalkaasi gaysanaya dableyda hubaysan.

Isla degmada Wrata-Nabadda, ayaa waxaa dilkaas kadib ka dhacay dil labaad, ayada oo wiil dhallinyaro ah lagu toogtay isgoyska Aadan Cadde, gaar ahaan agagaarka masjidka Al-khaaliq.

Kooxda dilka gaysatay ayaa goobta ka baxsaday, mana jiraan fahfaahin ku saabsan wiilka la dilay, inkasta oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu ahaa shacab.

Dhinaca kale, qarax ayaa ka dhacay suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha.

Qaraxa oo warar kala duwan kasoo baxaya ayaa la sheegay in qaraxu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha, iyadoo goobta qaraxu ka dhacay lagu arkay dad dhaawac ah, waxaana qaraxa lagu weeraray askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda.

Ciidamada halkaasi ku sugnaa ayaa rasaas furay, iyadoo lagu kala cararray, wuxuuna isgoyska Bakaaraha noqday goob qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka dhacaan oo intooda badan ay sheegato kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xirnaa, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood.

Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ma cadda sababta wadooyinkaan loo xiray, balse Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya sababo dhanka ammaanka ah in loo xiray wadada.

Ciidamada Booliska ee wadadan ka shaqeeya ayaa qoryaha Ak47 la garwaaxsan wadada kuwaasi oo celinaya gaadiidka ay wataan dadka shacabka, waxayna fasaxayaan kaliya kuwa dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa xirnaanshaha wadooyinka waxa ay iska tahay arrin caadi ah oo badi dadka la qabsadeen.

 

Xigasho: Caasimada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.